Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo sheegay in aan loo dul qaadan doonin waqti kordhinta ay dawlada sameysatay.

Halkaan ka akhri

Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Siyaasadda Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa ka soo horjeestay waqti kordhintii ay dhawaan sameysteen golaha wasiiradda dawlada KMG waxaana uu ku tilmaamay wax u dhimaysa sharciga Soomaalida u yaala.

Sidoo kale Augustine Mahiga wuxuu sheegay in waqti kordhinta ay dhawaan ku dhawaaqeen golaha wasiiradda dawlada KMG ay tahay mid aysan beesha caalamka u dul qaadan doonto, wuxuuna ku baaqay in arrintaasi ay tahay mid hakin karta geedi socodka dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah QM ee Somalia, Augustine Mahiga ayaa wuxuu sheegay inay aad u soo muuqanayaan mashaqada ka haysata baarlamaanka dowladda KMG dhanka dastuurka, wuxuuna intaas uu raaciyey in beesha caalamka wali aqbalin waqti kordhisashada saddexda sano ah ee baarlamaanka, inkatoo baarlamaanka uu ku adkaysanayo go’aankiisa.

Hase yeeshee Danjire Mahiga ayaa sheegay inay taageerayaan hanaanka doorashooyin Soomaaliya ka dhaca bisha August ee sanadkaan xilligaas oo uu sheegay inuu ku egyahay waqtiga dawlada KMG, waxaana uu intaa ku daray in beesha caalamku diidan tahay in waqtiga dawladu kororsato waxaana uu ku cel celiyay inay muhiim tahay in bisha August Soomaaliya doorashooyin laga qabto.

Danka kale dhawaan ayay aheyd markii ay magaalada Muqdisho kulan ku yeesheen golaha Wasiiradda dawlada KMG ay ku sheegeen inay muddo sanad ah waqtigooda ku kororsadeen iyadoona uu horay xubnaha baarlamaanka waqtigooda ku darsadeen muddo 3 sano, taasoo beesha caalamku ka soo horjeesatay.

Haddaba khilaafka ku aadan dhanka waqti kororsiga dawladda ayaa cirka isku sii shareeyaya iyadoona dhawaan gudoomiyaha baarlamaanka iyo Madaweynaha ay hawada isu marsiiyeen hadalo la xiriira dhinaca waqti kororsiga barlamaanka KMG  Soomaaliya.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: