Halkaan ka akhri
Illaa laba Weerar oo loo adeegsaday Bumka gacanta laga tuuro ayaa lagu qaaday habeenkii xalay Ciidamo ka tirsan dawladda federaalka soomaaliya oo ku sugnaa degmada dharkeenleey ee magaalada Muqdisho
Weerarkii hore ayaa lagu qaaday fariisin ay ciidamadu ku leeyihiin Tabakaayo Madoow halkaasoo bum lagu tuuray ciidamo halkaa ku sugnaa ay ku dhinteen sedax ruux oo rayid ah iyo askeri ka tirsanaa ciidamada dawladda gaar ahaana kuwii xilligaa ku sugnaa fariisinkaas.
Ciidamada ayaa qaraxaas kaddib rasaas Oodda ka qaaday iyadoo aanan la garanayn khasaaraha ka dhashay rasaastaas ay rideen ciidamada dawladda ee qaraxa lala eegtay.
Daqiiqado kaddib ayaa qarax kale oo ah nooca gacanta laga tuuro waxaa lala eegtay Ciidamo marqyay wadada mac macaanka weerarkaas oo la sheegey in ay ka bad baadeen ciidamadii lal eeganayay.
Ciidamadaas ayaa iyaguna bilaabay xligaas kaddib in ay ridaan rasaas aad u fara badan oo labo qof oo rayid ahi ay ku dhaawacmeen iyadoo isla markaana la xiray guud ahaan goobihii ganacsiga ee halkaa ka dhawaa.
Ciidamada ayaa durbaba halkaa ka bilaabay hawl galo baaritaano ah oo ay ku raadinayaan dadkii ka danbeeyey qaraxaas ciidamadaas oo la sheegey inay gudaha u galeen xaafadihii ka ag dhowaa goobta uu qaraxu ka dhacay.
Ma jirin cid qaraxaas loo soo qabtay iyadoo xaaladuna goor danbe ay ku soo noqotay sideedii caadiga ahayd taasoo dadkuna ay bilaabeen inay sidoodii cadig ahayd ahayd waddooyinja ugu soo baxaan.
ma aha markii u horeeyey ee qarax lala eegto askar ka tirsan ciidamada dawladda ee ku sugan degmada dharkeenleey, mana jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka dawladda federaalka soomaaliya ee degmadaas.
SomaliSiwss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.