Halkaan ka akhri
Dad gaaraya ilaa 200 qof oo Tahriibayaal qaxooti Soomaali ah oo cararayey xasaradaha ka jira dalka Libya ayaa la sheegay in ay gaareen jaziiradaha Malta iyo Talyaaniga.
Sida ay sheegeen ciidamada illaalada xeebaha Malta waxaa jaziiraddaasi gaaray doon siday 200 qof tahriibayaal Soomaali ah, kuwaas oo ay soo badbaadiyeen ciidamada badda ee Faransiiska kadib markii ay ciladi ku timid doontii ay saarnaayeen oo xilligaasi dhawr mile u jirtay xeebaha Malta.
Dadkan Soomaalida ah oo ay ciidamada dalka Malta gacanta ku dhigeen ayaa 100 ka mid ah waxaa ay ahaayeen haween iyo caruur sida uu sheegay Sarkaal u hadlay ciidamada illaalada xeebaha Malta.
Sidoo kale Afhayeen u hadlay ciidamada badda Malta ayaa sheegay in dadkan muhaajiriinta ah ee Soomaalida ah ay geeyeen xero ay ku jiraan qaxooti fara badan oo African ah kuwaas oo ka gudbay biyaha u dhaxeeya wadamada Libya iyo Malta.
Dhinaca kale waxaa xeebaha dalka Talyaaniga gaaray tahriibayaal fara bara badan, iyadoo doontii ugu dambeysay ee saaka tagtay Jaziiradda Lambadusa ay waday tahriibayaa Soomaali u badan oo ay weheliyeen Eritrean.
Si kasta ha ahaatee waxaa dhawaanahamba gaarayey qeybo ka mid ah Jaziiradaha ku yaala  dalka Talyaaniga iyo Malta tiro badan oo tahriibayaal African ah, una badan Soomaali, kuwaas  oo ka soo cararay qalalaasaha ka jira dalka Libya iyo Soomaaliya.
Filed under: Italy |
You must be logged in to post a comment.