Somali & English
Halkaan ka akhri
War ka soo baxay Ururka Midowga Yurub ayaa sheegaya in ciidamada Midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya ee AMISOM ay ku taageerayaan Malaayiin Dollarka Mareykanka ah, si ay ugu fududeeyaan hawl galada nabad illaalinta ee ay ka wadaan Soomaaliya.
Andris Piebalgs oo ah Madaxa gudiga hormarinta Midowga Yurub oo haatan ku sugan magaaladda Addis- Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaas oo uga qayb galaya shir ay wasiiradda lacagta ee Africa ku leeyihiin ayaa sheegay inay ku taageerayaan taliska ciidamada AMISOM lacag dhan Euro 65.9 million oo u dhiganta 93 Million oo Dollar qalab cusub iyo Saand ciidan, taasoo qeyb ka ah taageeradda beesha caalamka ee Midawga Africa.
Sidoo kale Madaxa gudiga hormarinta Midowga Yurub Andris Piebalgs waxaa uu ku dhawaaqay in Midowga Yurub ay diyaar u yihiin inay garab istaagaan dadaalka beesha caalamku ugu jirto nabadeynta Soomaaliya waxayna intaa ku dareen inay bixinayaan qeyb ka mid ah dhaqaalaha lagu socod siinayo hawlaha ciidamada AMISOM.
Mr. Andris Piebalgs oo ka hadlayey arrimahaas wuxuu “AMISOM hawl muhiim ah ayay Soomaaliya ka qabteen, waxayna ka shaqeynayaan sidii dadkii barakacay guryahooda dib ugu soo noqon lahaayeen iyo illaalinta xaquuqda aadanaha Midowga Yurubna diyaar buu u yahay inuu arrintaasi ku gacan siiyoâ€.
Dhinaca kale Mas’uulkan wuxuu sheegay in taageeraddan ay sii wadayaan inta ay ciidamada  Midawga Africa joogaan Soomaliya, waxaa uu itaas ku daray in dhaqaalo la’aan aysan wax hawl ah socon Karin.
Hase yeeshee tan iyo markii ciidamada AMISOM Soomaaliya yimaadeen sanadkii 2007 Midowga Yurub waxaa uu ugu deeqay lacag dhan 208 million oo Dollar oo la sheegay inay si gaar ah ugu baxday daawo iyo agab kale.
Sida la wada ogsoon yahay Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya ayaa waxay  ka socdaan wadamada Uganda iyo Burundi, waxayna dagaalo xoogan kula jiraan dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab, kuwaasoo dagaalkooda khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro dadRaydka ah oo ka madax banaan dhinacyadda Soomaaliya isku haya.
SomaliSwiss  Addis Ababa
EU allocates €65.9 million to support peacekeeping in Somalia
During the annual joint meeting of the Ministers of Finance and economy of the African Union, Commissioner Piebalgs confirmed European Commission’s support to the African Union Mission in Somalia (AMISOM) by announcing an additional EUR 65.9 million to help keep the peacekeeping force in place and provide them with the means to do their job more easily, including medical care, transport and allowances.
EU Commissioner for Development, Andris Piebalgs, said: “There is no development without security. AMISOM does a vital job in Somalia, ensuring that human rights are respected, citizens are protected and internally displaced persons and refugees can return home in safety and dignity.
This additional funding will enable the African mission to carry out its role in helping to protect the people of Somalia.
Today’s increase in funding brings the EU allocation to AMISOM to a total of EUR 208 million funded under the African Peace Facility (APF) since 2007.
AMISOM has had an uninterrupted peacekeeping presence in Mogadishu since March 2007. The renewed EU support will mean that it can continue to provide protection to the Transitional Federal Institution, assist in the implementation of the National Security and Stabilisation plan (NSSP), facilitate humanitarian operations and provide support to disarmament and stabilisation efforts.
Background:
EU support to AMISOM is funded under the African Peace Facility and channelled through the African Union. Today’s decision is the fifth of its kind (“AMISOM V”). From the beginning of the operation, EU funding to AMISOM has provided predictable and continued support to key mission costs, including troop allowances for peacekeepers, salaries for civilian staff, transport and medical costs.
The support to AMISOM is part of a multi-level EU strategy towards Somalia which includes regular assistance to the security sector through development programmes and projects, humanitarian assistance, naval security operations and security training.
Source: European News
SomaliSwiss  Addis Ababa
Filed under: Addis Abeba |
You must be logged in to post a comment.