Koox burcad badeed Soomaali ah oo gacanta ku soo dhigtay markab nooca shidaalka qaada ah…

Halkaan ka akhri

Koox burcad badeed Soomaali ah  ayaa lagu soo warramayaa inay gacanta ku soo dhigeen markab nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Kuwait, hase ahaatee ku safrayay calanka dalka Singapore.

Sida ay ku soo warrantay Wakaaladda Wararka ee Reuters in koox ka tirsan burcad badeeda Soomaaliyeed ay rasaas iyo bambaanooyin ku rideen markabka ka hor inta aysan qabsan waxaana la sheegay inay ugu dambeyn dusha ka fuuleen markabka oo ay maamulkiisa la wareegeen, isla markaana ay ula soo dhaqaaqeen dhinaca xeebaha Soomaaliya.

Magaca Markabkaan ayaa la yiraahdo MV ZIRKU, waxaana la sheegay inay saaran yihiin 29 shaqaale ah, waxaa kaloo la sheegay inuu Markabkan ka soo shiraacday dalka Sudan, waxaana laga qafaashay meel u dhaw gacanka Cadan ee dalka Yemen.

Sidoo kale Ciidamada Nato ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa sheegay in shaqaalaha saaran markabka ay u kala dhasheen dhawr wadan oo Carab u badan iyadoo laga cabsi qabo in shaqaalaha ay waxyeelo kasoo gaartay rasaastii ay burcad badeedu furtay.

Hase yeeshee ilaa haatan lama hayo wax war ah oo kasoo baxay dhanka burcad badeeda balse falkan afduubka ah ayaa yimid saacado kadib markii ciidamada badda Hindiya ay qab qabteen 16 ruux oo la tuhunsan yahay inay burcad badeeda Soomaaliyeed ka tirsan yihiin isla markaana ay bad baadiyeen markab nooca xamuulka ah oo xilligaasi ay burcad badeedu afduuban rabtay.

SomaliSwiss Bosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: