Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya oo kulan xasaasi ah ka leh arrinta waqti kordhinta Hay’adaha sare ee Dastuuriga ah.

Halkaan ka akhri

Xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa manta waxay kulan xasaasi ah ay ku leeyihiin Xarunta Golaha Shacbiga ee magaalada Muqdisho, sida lagu soo warramay kulankan ayaa  ka beddelen kulamadii hore, iyagoo maanta ka hadli doono waqti kordhinta Wasiirada ay soo jeediyeen.

Maadaama uu Kulankan oo la sheegay in uu wax badan ka bedalan yahay kulamadii horey ayaa waxaa Saakay barqadnimadii ku sii qulqulayey  xarunta Barlamanka KMG Soomaaliya Xildhibaanada  oo halkaasi haatan la sheegay in ay isugu tageen xildhibaano aad u farabadan.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Barlamamka ayaa Shabelle u sheegay in kulanka intiisa badan looga hadli doono waqtiga kala guurka, iyo warbixin laga dhageysanayo gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan safaro ku soo maray wadamo dhowr ah.

Sidoo kale xildhibaanada Barlamanka ayaa la sheegay in ay isla soo qaadi doonaan waqti kordhintii hay’adaha Dastuuriga shalay ay u sameeyeen golaha wasiirada Xukuumada KMG Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegay in kulanka maanta la horgeyn doono gudi kooban oo qaban qaabiya doorashooyinka madaxtinimada dalka kaasi oo dhawaan uu magacaabay gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hase yeeshee waxaa jira Xildhibaano ka biya diidan soo jeedinta Golaha wasiirada, iyadoo go’aankaas ku sheegay mid aan awood u laheyn Golaha inay isku raacaan.

Xildhibaanada diidan ayaa sheegay inay ka hor imaanayaan go’aankaas hadii Baarlamaanka la horkeeno, waxaana sida muuqata uu ka hor imaanayaa muddo kordhinta Baarlamaanka ee saddexdii sano ahaa.

Balse lama oga sida xalka kama dambeysta uu noqonayo, iyadoo go’aankan uu dab ku sii shidayo khilaafka sare ee Madaxda Dowladda iyo kala qeybsanaanta baahsan ee ku dhex jira Xildhibaanada Baarlamaanka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: