Waaxda arrimaha dibadda Maraykanka oo sheegtay inuu yaraaday xiriirkii u dhaxeeyey Soomaalida wadanka Maraykanka & xarakadda Al-Shabab.

Halkaan ka akhri

Warbixin ay soo saartay Waaxda arrimaha dibadda dalka Maraykanka  ayaa lagu sheegay inuu yaraaday xiriirkii u dhaxeeyey bulshada Soomaaliyeeed ee ku nool wadanka Maraykanka iyo Xarakadda  Al-Shabab.

WargeyskaThe Washington Post ayaa warkan lagu qoray, waxaa lagu sheegay in baaritaano ay sameeyeen hay’adaha sirdoonku ay ku sheegeen inuu hoos u dhac ku yimid xiriirka ay Xarakadda Al-Shabab la laheyd qeybo ka mid ah bulshadda Soomaaliyeed ee Maraykanka dagan.

Sidoo kale Warku ayaa wuxuu sheegayaa inay yaraadeen dhalinyaradda Soomaalida ah ee ku biiri jiray dagaalyahanadda Al-Shabab taasoo ku timid xiriirka labada dhinac oo yaraaday sida dawlada Maraykanka ku andacoonayso.

Dhanka kale Wakaaladda Wararka ee AP ayaa sheegtay in dhawr jeer la qabtay muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu tuhunsan yahay inay dhalinyaro Soomaali Maraykanka ah inay ka soo wadeen dalka Mareykanka oo ay geeyeen dalka Soomaaliya si ay uga qeyb galaan dagaalada Xarakada Al-Shabab ay kula jirto dawlada KMG iyoCiidamada nabad Ilaalinta ee Midawga Africa ee AMISOM.

Hase yeeshee waaxda aminiga gudaha Maraykanka ayaa uga digtay muwaadiniintiisa inay safaro ku tagaan wadamada geeska Africa ku yaala gaar ahaana wadamada Soomaaliya dariska la ah, sababta oo ay ku sheegtay in amaanka wadamadaas oo aan la isku halayn Karin.

Mas’uul ka tirsan waaxda amniga gudaha dalka Maraykanka oo magaciisu lagu sheegay Jeffrey Addicott ayaa u sheegay wakaaladda Wararka ee AP inay suuro gal tahay in muwaadiniintooda halis ku galayaan haddii ay safar ku tagaan wadamada geeska Africa.

Sida la wada ogsoon yahay Xarakadda Al-Shabab ayaa dhawr jeer wacad ku maray inay weeraro ka geysanayaan wadamada Soomaliya dariska lah gaar ahaan kuwa taageersan siyaasadda dawlada KMGS.

SomaliSwiss New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: