Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Iska horimaad culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo xarakada Al Shabaab ayaa saakay ka dhacay xaafado ka mid ah waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Sida ay wararku ay sheegayaan dagaalka saakay ayaa waxa uu ka qarxeen xaafado ku yaala degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, halkaasi oo mudooyinkii u dambeeyay ay isku horfadhiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab.

Dagaalka saaka ayaa ahaa mid labada dhinac ay isku weydaarsadeen hub cul culus, sidoo kale wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay ku siqeen aagaga horay u joogeen Xoogaga ka soo horjeeda.

Saraakiisha ciidamada Dowladda KMG ee hoggaaminayso dagaalka ayaa sheegtay in dagaalka Ciidamadooda horumar ka sameeyeen, isla markaana ay qabsadeen Dhismaha Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Waxaa si dhab ah loo ogeyn khasaaraha uu geystay Dagaalka, gaar ahaan khasaaraha ka soo gaaray dadka rayidka, hase ahaatee saraakiisha Dowladda ayaa sheegay inay dib faah faahin uga bixin doonaan.

Ciidamada AMISOM oo wehliya kuwa Ciidamada Dowladda KMG sida Milateriga iyo Ciidamada loo yaqaano PS-ta ayaa dagaalka si toos uga qeyb qaadanayay, waxaana dadka deegaanka soo sheegayaan in Ciidamada ay gudaha u galeen Xaafadaha kore ee degmada Boondheere.

Dhanka kale ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka Shabaab oo ku aadan dagaalada saaka waabarigii hore ka bilowday Aaga Boondheere oo ilaa iyo iminka wali soconaya, inkastoo uu yara qaboobay.

Si kasta ha ahaatee dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka xoogiisu uu ka dhacay isgoyska degmada Boondheere halkaasi oo labada dhinac ay isku horfadhiyaan, waxaana wali la maqlayaa dhawa rasaasta ay is weydaarsanayaan labadaasi dhinac.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: