TACSI TIIRAANYA LEH, TACSI TIIRAANYA LEH.

Halkaan ka akhri

TACSI TIIRAANYA LEH, TACSI TIIRAANYA LEH.
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Xildhibaan Cabdullaahi Macalim Maxamuud ( Faax ) oo ka tirsanaa Mudanayaasha Baarlmaanka KMG Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa ku geeryoodey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dhamaan Jaaliyadaha Beesha Gaaljecel ee ku nool waddanka Switzerland waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan Beel-weynta Gaaljecel meel kasta oo ay ka joogaan dunida, gaar ahaan Qoyskii iyo Eheladii uu ka geeriyootay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Macalin Max‘ed ( Faax ) oo shalay oo bisha Maarso ahayd 28/03/ 2011ka ku geeriyootay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Sidoo kale Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanada, Guddiga jaaliyadda Beesha Gaaljecel, iyo dhammaan Jaaliyadda Beesha Gaaljecel oo ku dhaqan dalka Switzerland, waxay tacsi taas la mid ah u dirayaan qarabada marxum Cabdullaahi macalin oo ku geeriyooday Nairobi,

Marxuum, Cabdullaahi Macalin Max‘uud ( Faax ) Alle ha u naxariistee, waxaan ilaahey uga baryeeynaa inuu jannadiis ka waraabiyo, Eheladii uu ka baxdayna samir iyo iiman Alle ha naga wada siiyo dhammaanteen, Gadaashiisana Ilaahay nama fidneeyo Aamiin Aamiin Aamiin.

SomaliSwiss Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: