Munaasabado Diini ah oo Sabtida iyo Axadda lagu kala qabtay Masjidyada Sheikh Zai’d & kan Turkiga oo ka dhacay magaalada Zürich.

Halkaan ka akhri

https://i0.wp.com/by152w.bay152.mail.live.com/att/GetAttachment.aspxhttps://i0.wp.com/by152w.bay152.mail.live.com/att/GetAttachment.aspx

Muxaadaro Diini oo ku baxday Afka Jarmalka iyo Caruurta Soomaalida Kanton Zürich oo loo qabtay Tartan Quraan akhris ah.

Sida aad la socotaan waxaa wayadan danbe Masaajidka Sheikh Zai’d ee Magalada Zürich ka socday Muxaadarooyin Diini  ah oo loogu tala galay dhalaanka ku dhashay ama ku koray Waddankan Switzerla

nd, waxaana Muxaadaradaas ay ku baxaysay Afka Jarmalka, waxaana la  qabtaa Bil walba Todobaadka ugu danbeeya.

Hase yeeshee waxaa Muxaadarada Diiniga  ah loogu Tala galay in dhalaanka lagu fahamsiyo Diintooda luuqada Jarmalka si ay ugu fududaato fahamkooda;

sida la wada ogsoon yahay Dalkaan Switzerland ayaa waxaa ku soo badanaya Sanadba sanadka ka danbeeya Qoysaska Soomalida ah oo cusub, sidoo kalena waxaa horey u jogay qoysas Soomaali ah oo dhalaankooda Quraanka Kariimka loogu dhigo Masaajidyada, hase ahaatee waxaa jira Caruur kale oo xafadahooda Quraanka loogu dhigo, kuwaas oo ka fog degaan ahaan Masaajidyada.

Si kasta ha ahaatee waxaa Maalmihii Sabtida iyo gelinka hore Axada oo ay bisha Maarso ahayd 26/27 2010 Lagu soo bandhigay Masaajidka Turkiga ee u dhow Bahnhof ZÜRICH, Waxbarashada dhalaanka halkaas wax ka barta, waxaan diyaargarow fiican ka sameeyay halkaas Walidiinta dhalanka waxay keeneen Caruurtooda si ay uga qayb galaan Tartanka Quraan akhriska ah oo ay Macalimiintoodu ku soo bandhigayen heerka waxbarshada Ardayda ay wax u dhigaan.

Waaladiinta ayaa si aad farxeen markay arkeen Caruurtooda oo ku tarmaya akhriska Quraanka Kariimka, waxaana taasi dhalisay wada shaqeeynta Maclimiinta iyo Waalidka, taasoo fududeesay in Ardayda loo qabto Tartan Diineed oo noocaan oo kala ah.

Ugu danbeyntii waxaa si aad ah loogu Mahadnoqay Macalimiintii waqtigooda u huray in ay diinta baraan dhalaanka Soomaliyeed, balse waxaa ammaan mudan Waalidiinta Soomaaliyeed sida ay isugu xilqaameen gudashada waajibaadka ka saaran ku barbaarinta Caruurtooda Diinta Islaamka.

SomaliSwiss   Zürich

SomaliSwiss@homail.com


%d bloggers like this: