Jaaliyadaha Beesha Gaaljecel ee ku nool wadamada Reer Yurub oo deeq gurmad ah gaarsiyey dadka ku dhaqan deegaanada galbeedka magaalada Jowhar.

Halkaan ka akhri

Jaaliyadaha Beesha Gaaljecel ee dibadaha ku nool, gaar ahaan wadamada Reer Yurub ayaa deeq gurmad ah u soo marsiiyeen rag ganacsato ah dadka walaalahooda ee abaaruhu ay saameeyeen gaar ahaan dadka ku dhaqan deegaanada dhinaca Galbeed ee Magaalada Jowhar.

Deeqdan gurmadkan ayaa waxay ka koobneyd Raashin isugu jira Bariis iyo saliida oo la gaarsiiyay, loona qeybiyay ilaa 16-tuulo oo ku yaala galbeedka Jowhar.

Mudane C/qaadir Daa’ud Muudey oo ka mid ahaa ragga Jaaliyada u soo wakiilatay ayaa ka mahad celiyay deeqdaas gurmadka, isagoo sheegay in xilli loo baahnaa ay soo gaarsiiyeen walaalaha qurbaha ku dhaqan.

Qoysaska kaalmada loo qeybiyay ayaa soo dhoweeyay tallaabada Jaaliyadaha dibada ee Beesha Gaaljecel u qaadeen gurmadka dadkooda abaaraha iyo macluusha ay halakeeyeen, waxaana deeqdan oo la siiyay dadka aadka u tabar daran oo ka mid ah waayeelada, indhoolayaasha iyo agoonta caruurta ah, oo aan awoodin inay nolol maalmeedkooda raadsadaan.

Kaamadan ayaa la gaarsiiyay Tuulooyinka ka mid ah, Garasdheere, Jariirow, Maceey-tuurey, Carmooley, Jameeco Mukhaar, madaxgeesi, Jameeco Jiliyaale, Calow-baaley, Mooro gubad, Dag-wariiri, Muumin Weyne, Geedcadloow iyo tuulada Lafagare, kuwaas oo ay ka muuqatay saameynta abaaraha, waxaana tuulooyinka ku le’day xoolo fara badan oo gaajo iyo haraad u dhintay.

Sida lagu soo warramay dhulka Tuulooyinkan ayaa ahaa mid qalalan, isla markaana la arkaya dhirta oo qalashay roob la’aanta awgeed sidoo kale waxaa la sheegay in abaartan ay horey uga barakaceen qoysas fara badan, sidaas darteed ay maciin bideen meelo kale in ay nolol ka raadiyaan.

Si kasta ha ahaatee deegaanada Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka mid ah goobaha abaaraha daran ay si xoogan u saameeyeen, waxaana mudooyinkii u dambeeyay socday is xilqaan ay wadeen ganacsatada oo la kaashanayay jaaliyadaha dibada, sidii walaalahooda ay u gar gaari lahaayeen.

SomaliSwiss       Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: