Warsaxaafadeed laga soo saaray Booqashadii ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Brundi iyo Uganda…

Halkaan ka akhri

Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca dalalka Brundi iyo Uganda Major General Godefroid Niyombare iyo General Aronda Nyakairima oo todobaadkii tegay booqasho ku joogay Caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la sheegay intii ay ku guda jireen booqashadooda ay soo kormeereen meelihii ay horumarka ka  sameeyeen Ciidamada AMISOM ee taageeraCiidamada Dowladda KMG, waxayna soo booqdeen Saldhigyada Ciidamada iyo qeybo ka mid ah Aagagga dagaalka.

Sidoo kale Taliayaashan oo hadal wadajir ah oo ay soo saareen ku cadeeyeeen in labada dal ee Brundi iyo Uganda ay balan qaadeen in ay keenaan 4,000 oo ciidan oo dheeri ah taasoo hore ay Qaramada Midoobay u waqtiyeysay bishii December iyadoo durba ay ciidamada Brundi ay keeneen hal Guuto.

Dhanka kale war saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Brundi iyo Uganda ay caddeeyeen in Soomaaliya aan ka jirin nabad la ilaaliya, sidaas awgeed  ciidamadeennu waxay maalin walba ay taageerayaan Dowladda si ay isugu balaariso oo ay u koontaroosho caasimada waxayna sameyneynaa istiraatiijjiyad ay ku jirto Horumar oo haatan 60% lagu koontaroolo Caasimada, hase yeeshee tani waxay tahay  natijadii ka soo baxday duulaankii ay qaadeen Ciidamadeena, waana sii wadeynaa ayey ku yiraahdeen  War ay sida wada jirka ah u soo saareen.

Sida ay sheegeen Taliyayaashan in dowlad kasta ay balanqaaday in ay keento ilaa 2,000 oo ciidan oo dheeri ah, waxayna rajeynayaan in wax wanaagsan ay ku soo biirayaan  keenista ciidamadan waxaana la filayaa inay imaan doonaan ilaa bartamaha sanadka.

Hase yeeshee taliyayaaishan ayaa la kulmay Madaxweynaha Dowladda KMG Shariif Ahmed, Ra’iisul Wasaare Farmaajo, Wasiirada Gaashaandhiga iyo Arrimaha Gudaha, iyo qaar ka mid ah qeybaha bulshada iyo Odayaasha dhaqanka.

Si kasta ha ahaatee Dowladda ayaa waajibaadkeeda ah in ay sii wada oo ay diirada saarto mida koowaad oo ah sii wadida xaalada jirta dadka soomaalidana waa in ay daacad u ahaadaan horumarka la sameynayo tani waa bilowgii dhamaadka fowdada iyo khilaafyada.

Ugu danbeyntii war saxaafadeedka ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM inay ka dhoofay Magaalada Muqdisho maalinimadii Khamiisti oo taariikhdu aheyd 24-ka Maarso.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: