Max’ed Dheere oo xoriyadiisa dib loo siiyay kadib markii Maxkamada wax dambi ah ay ku weysay.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta barqadii lasoo daayey oo xoriyadiisa dib loo siiyay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, kadib markii Maxkamada gobolka Banaadir ay ku weysay dambigii loo heystay oo lagu soo eedeeyey.

Kadib markii uu Max’ed Dheere uu helay Xoriyadiisa ayaa wuxuu hadal kooban siiyay qaar ka mid ah Warbaahibta ka howl gesha magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dib u helida xoriyadiisa islamarkaana arrintaan uu si aad ah u soo dhaweynayo.

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in Max’ed dheere uusan wax dambi ah laheyn islamarkaana uu si sharci daro ah ugu jiray gacanta dowladda, sidaas darteed Maxkamaddu waxay go’aamisay in la sii daayo.

Sidoo kale qolkii lagu maxkamadaynayey ayaala sheegay inay goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo boqolaal qof oo ka mid ah ehaladiisa, waxaana maxkamadu ay sheegtay in kadib markii baaritaano dheer lagu sameeyay lagu waayay wax dambi ah.

Dhanka kale Max’ed Dheere ayaa gacanta ugu jiray dowladda KMG Soomaaliya in ka badan 50 maalin, waxaana qareenadii u doodayay ay Maxkamada ka dalbadeen in magdhow ahaan u siiso 10 milyan oo doolar.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: