Golaha wasiirada Xukuumada KMG Soomaaliya oo isku raacay in mudo hal sano ah loogu daro madaxda sare ee dowladda.

Halkaan ka akhri

Golaha wasiirada Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa shalay galabta isku raacay in mudo hal sano ah loogu daro Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, Barlamanka KMG iyo Xukuumada Ra’iisul wasaare Farmaajo.

Wasiirada Xukuumada KMG oo kulan aan caadi aheyn oo shalay galab ugu soo gaba gaboobay Magalaada Muqdisho golaha Wasiirada Xukuumada KMG Soomaaliya islamarkaana uu shir gudoominayay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay ku go’aamiyeen kulankooda in min hal sano loogu daro hay’adaha dastuuriga ee dowladda KMG Soomaaliya.

Sidoo kale  Golaha Wasiirada ayaa qalinka ku duugay in min hal sano loogu daro waqtiga ay sii shaqeynayaan Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed, mudanayaasha Barlamanka iyo Xukuumada KMG Soomaaliya.

Dhanka kale kulanka oo ahaa mid albaabadu ay u laabnaayeen ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu warbaahinta hadal siiyo Wasiira Dastuurka iyo arimaha Federaalka xukuumada KMG Soomaaliya.

Hase yeeshee g’aankan ayaa laga war sugayaa sida ay u ansixin doonaan Xildhibaanada Barlamanka oo iyagu horay mudo 3 sano ah waqtigooda ugu darsaday, waxaana maalinta beri ah ay kulan ku yeelan doonaan Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: