Boqolaal qof qaxooti Afrikan ah oo ay Soomaali ku jiraan oo soo gaaray jaziiradda Lambadusa ee dalka Talyaaniga.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Boqolaal qof oo qaxooti African ah oo ay Soomaali ku jiraan lagana soo qaaday dalka Libya ayaa soo gaaray jaziiradda Lambadusa ee wadanka Talyaaniga.

Sida ay sheegtay Wakaaladda wararka dalka Talyaaniga ee ANSA in galinkii dambe ee shalay uu gaaray jaziiradda lampadusa markab weyn oo ay saaran yihiin in ka badan 700 oo ruux oo qaxooti African ah una badan Soomaali kuwaasoo laga qaaday gudaha wadanka Libya oo haatan ay ka jiraan dagaallo aad u xoog badan.

Wasiirka arrimaha dibadda Dawlada Talyaaniga ayaa sheegay inay dib u dajin u sameynayaan qaxootiga Africanka ah ee ay sida weyn u saameeyeen xasaradaha ka jira dalka Libya.

Franco Faratinni oo ah mas’uulka dalka Taliyaaniga uga qaabilsan arrimaha Dibolomaasiyadda ayaa u waramayay wakaaladda Wararka ee ANSA, wuxuuna sheegay in qorshahaan lagu qaabilay qaxootigaan Africanka ah ay qeyb ka tahay go’aan ay wadamada Midawga Yurub ku gaareen in dib u dajin loo sameeyo qaxootiga Africanka ah ee ku dhibaateysan wadanka Libya ee haddana wadamadooda dagaalo ka jiraan.

Afhayeen u hadlay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR oo lagu magacaabo  Mans Nyberg ayaa u sheegay Tv,ga Al-Jazeera qeybtiisa afka Ingiriiska inay jiraan tiro kale oo qaxooti African ah oo la doonayo in laga qaado dalka Libya si looga bad baadiyo qalalaasaha dalkaasi ka jira.

Sidoo kale Midawga Yurub ayaa dhawaan sheegay inay dalka Libya ka qaadayaan qaxootiga African ah ee ku dac dareysan gudaha Libya ee aan wadamadooda nabadi ka jirin.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa jira Qaxooti fara badan oo Soomaali ah oo ku dhibaateysan dalka Libya gaar ahaan xaduudaha xilli wadamada Africanka badankood bilaabeen inay muwaadiniintooda dalkaasi kala baxaan kadib markii rabshado dhiig ku daatay ka dhaceen.

SomaliSwiss    Roma

SomaliSwis@hotmail.com

%d bloggers like this: