Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliland iyo Ambassador Augustine Mahiga oo kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada magaalada Hargeysa

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliland mudane Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo ayaaGuriga madaxtooyada kulan kula yeshay wafti uu hogaaminayo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amp. Aogustine Mahiga.

Kulanka uu madaxweyne Siilaanyo la yeeshay ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somalia oo maalintii shalay booqasho shaqo ku tahay Gobollada Woqooye ee dalka Soomaaliya, waxayna kulankooda ay ka wada hadleen xiriirka wadashaqayneed iyo xoojinta iskaashiga u dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo  Soomaaliya gaar ahaan Gobollada woqooyiga Soomaaliya.

Ugu horreyntii Madaxweyne Axmed Max’ed Max’ud ayaa uga waramay Wofdiga xaaladda guud ee Ismaamulka Gobolka dhinacyada siyaasadda, nabadgalyada, iyo maamul wanaaga.

Hase yeeshee Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah uga hadlay xaaladda abaareed iyo biyo la’aanta baahsan ee ka jirta meelo badan oo ka tirsan dhulka woqooyiga s/land iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la xoojiyo doorka ay ka qaataan hayadaha qaramada midoobay taakulada iyo samato bixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweynuhu uu ka dalbaday in ay gargaar caalami oo degdeg ah lala soo gaaraan dadka ku tabaaloobay abaaraha.

Aogustine Mahiga ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaalia ayaa tilmaamay taageerada UN-ka ay u hayso horumarka s/land ee dhinacyada dimuqraadiyadda, nabadgalyada iyo maamul wanaaga.

Sidoo kale Mahiga waxa uu sheegay in hayadaha qaramada midoobay ay u hawl gali doonaan wax ka qabashada xaaladaha bini-aadannimo ee ay abaaraha soo noqnoqday keeneen ee ka jira guud ahaan Gobolka Geeska Afrika gaar ahaana Soomaaliya.

Dhamka kale Mahinga wuxuu xusay sida ay lama huraanka u tahay in layska kaashado nabadeynta iyo xakamaynta kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dhismaha nabadda iyo xasiloonida mandaqadda geeska Africa.

Dhinaca kale waxa kulankaasi ku wehelinayay madaxweynaha Maamul Goboleedka ku xigeenkiisa iyo qaar ka mid ah wasiirada Maamulkiisa.

SomaliSwiss    Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: