Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland oo ka warbixiyay kulankii uu la qaatay Augustine Mahiga.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa ka warbixiyay kulankii shalay ka dhacay magaalada Garoowe ee uu kula qaatay Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliy Augustine Mahiga.

Sida lagu soo warramay Kulanka ay yeeshay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga iyo Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Faroole ayaa ahaa mid albaabada ay u xiranaayeen, waxaana looga hadlayay sidii loo dhamayn lahaa qilaafka siyaasadeed ee ka dhaxtaagan Puntland iyo dowladda KMG.

Labada nas’uul ayaa la sheegay inay isla soo hadal qaadeen qodobo faraban oo ku aadan qilaafka siyaasadeed ee ka dhaxtaagan dowladda KMG iyo Maamulka Puntlnad, hase yeeshee

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa waxay qabaan go’aankoodii ahaa inay xiriirkii u jareen dowladda KMG Soomaaliya hase ahatee waxaa uu tilmamaay inay jiraan wadamo faraban oo ku howlan dhamaynta qilaafaadka labada dhinac.

Dhanka kale Madaxweyne Faroole ayaa waxaa uu sheegay in Ambassador Mahiga uu ku wargaliyay in Puntlnad ay kasoo qeyb gasho shir 14-ka April lagu wado inuu ka dhaco Magaalada Nairobi kaaasi oo ay ka qeyb gali doonaan Maamulada dalka oo ay qeyb ka tahay dowladda KMG, waxaana shirkaasi uu baaqday 21-kii bishan aan ku guda jirno kaasi oo lagu waday in uu ka dhaco magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Ugu dambeyn Kulankii ay qaateen labadaasi Mas’uul ayaa wuxuu ku soo aaday xili qilaaf siyaasadeed uu ka dhex taagan yahay dowladda KMG iyo Puntland kaasi oo ku aadan qaab dhismeedka dowladda KMG, waxaana shir ay ku yeesheen magaalada Garoowe golaha wasiiraada ee Puntland ay kasoo saareen go’aano ah inay xiriirkii u jareen dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss    Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: