Macaanbaa Qaraar dhalay…..Mahuraanku waa Carar…..Muruq Taarufey timid…. (Maqaal)

Halkaan ka akhri

 

In ay dib u soo celiso dowladda KMG ah, amarkii iyo kala dambeyntii dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Koofureed ee dalka, Dowladda KMG ah ee Sheikh Shariif, waa in ay si fool ka fool ah isku arkaan, Maleeshiyaadka hubaysan ee Al-Shabaab ee fikirkoodu yahay fidinta fikirka Wadaadka Sacuudiyaanka ah ee Usama Bin Laden, taas darteed ayuu Isbuucyadii lasoo dhaafay, dagaal faraha looga gubtay u dhex marayay Maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ka dhinac dagaallamayaan Dagaal yahanno shisheeye iyo Melleteriga dowladda KMG ah oo gacan ka helaya ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Ujeedada ugu weyn ee dagaalkaas ayuu nuxurkeedu yahay in dowladda tabarta daran ee Sheikh Shariif ay gacanta ku dhigto maamulka qeybaha kala duwan ee Muqdisho, ka dibna usii gudubto goobo kale, inta uusan ka dhammaan waqtiga loo qabtay oo ku eg bartamaha bisha Agoosto ee sanadkaan, si ay u helaan kalsooni dib loogu kordhiyo waqti dheeri ah, hase yeeshee dadka u dhuun daloola siyaasadda Soomaaliya ayaa su’aal ka keenay awoodda ay u leeyihiin Ciidamada Dowladda KMG ah, gacan ku haynta goobaha ay qabsanayeen todobaadyadii nadhaafay, iyadoo sababta badankeed ay tahay dhaqaale xumo iyo mushaar la’aan joogta u noqday ciidanka.

Markii aan dib u jaleecno waayihii iyo waqtigii lasoo maray ee dalka Somaliya oo ahaa mid loogu waqlalay magaca ‘Qarankii guul dareystay’ majirin maamul saldhigta laga soo billaabo xilligii la riday dowladdii Mileteriga ahayd ee Siyaad Barre sanadkii 1991-kii, iyadoo waqtigaas wixii ka dambeeyay uu jiray awood kala marooqsi ku salaysnaa aayo katalinta Caasimaddaas oo hadba soo marayay marxalado kala duwanaa, laga soo bilaabo hogaamiye kooxeedyo ilaa Maxkamadihii Islaamiga ee ay kasoo farcameen Maleeshiyaadka Shabaab ee hadda ay wada dagaalamayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Maleeshiyaadka hubaysan ee magacyada Diinta wata, ayaa saaxadda kusoo biiray sanadkii 2006-dii, markii ay awoodda ka marooqsadeen, Hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, iyadoo taasi keentay in xeer jajab ka dhacay dalka Jabuuti, dowlad KMG ah ay hogaankeeda qabtaan madax ka tirsanayd hogaamiye-yaashii Maxkamaduhu, iyagoo taageero ka helaya Qaramada midoobay, Midowga Afrika iyo Yurub iyo wadamo kale, taas oo ugu dambeyntii keentay awood isu sheegad dhex maray kooxihii maxaakiimta, taas oo ay Magaalooyinkii waawaynaa iyo inta badan koofurta Soomaaliya gacanta u gashay maleeshiyaadka cabsan fikirka ururweynaha Alqaeda ee Al-Shabaab, taas oo ay hadda muuqato wax u muuqaal eg “Ninba waa markiisee Muruq Taaruf bey timid” iyo sidii dib looga ceshan lahaa Al-Shabaab, goobihii ay ku qabsadeen isjiid jiidkii hore u dhacay.

Ciidamada dowladda KMG ah oo ay caawinayaan nabad ilaaliye-yaasha AMISOM ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku siqayay goobo uu yaallay difaac adag oo ay hore u haysteen maleeshiyaadka Al-Shabaab, inkastoo welwel badan laga muujiyay waxa xigaya horumarkaas dagaal ee meleteriga dowladda, maadaama waqtigii xukuumada KMG ahaa uu dhamaad yahay.

Dowladda KMG ah ayaa gacanta ku haysay dhul aad u yar iyo wadooyin muhiim u ahaa isu socodka madaxtooyada, Dekadda iyo garoonka diyaradaha, taas oo ay hadda muuqato inay gacanta ku dhigeen inta badan magaalada Muqdisho iyo degmada Dayniile, sida ayxaqiijinayaan suxufiyiinta iyo hay’adaha warfaafinta gudaha Muqdisho ku sugan.

Dadka wax rog roga ayaa cabsi wayn ka qaba, haddii aysan Somaliya cagaheeda ku istaagin, waxa ay ku dambeyn doonto  bad weynta Hindiya oo halbowle u ah isu socodka dunida inteeda badan, taas oo hadda la ciir-ciiraysa wax lagu tilmaamay burcad badeed Soomaaliyeed, inkastoo aysan jirin cid isku raacsan sababta rasmiga ah eek a dambaysa kororka iyo dardarta kooxahaas ku shaqeysta Tuuga badeed-nimada.

Welwelkaas waxaa sii dheer, cabsida laga qabo nabad gelyo xumo ay maleegaan maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo in fowdadu kusii baahdo dhammaan gobolka geeska Afrika iyo dunida dacalladeeda, iyadoo taas ay cadayn u ahayd weeraradii Ururkaas ku qaaday Kampala iyo hanjabaado loo jeediyay Bujumbura, taas oo ay sheegteen Al-Shabaab iyadoo uu afkiisa ka cadeeyay afhayeenka kooxdaas Cali Dheere oo hambalyo u diray kuwii fuliyay qaraxii Ugandha, kuna baaqay kuwa kale oo lagu qaado caasimadda Burundi, taas oo keentay in loo istaago joojinta isfidinta kooxdaas iyo in aan la dhayeelsan hadallada kasoo yeerayay Al-Shabaab.

Sababta loo weeraray Kampala, looguna Hanjabay Bujumbura ayaa ahayd, iyadoo Ciidamo nabad ilaalineed ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo caawinaya dowladda KMG ah oo aan kaligeed taagnaan Karin, hase yeeshee waxaa lagu eedeeyay AMISOM inay duqeyn aan loo meel dayin ka geystaan meelo dad rayid ah ku badan yihiin haddii ay kazoo weeraraan Maleeshiyooyinka Shabaab oo gabaad ka dhigta rayidka.

Tabar darrida iyo awood yaraanta Dowladda KMG ah ayaa loo aaneeyaa, isku filnaasho la’aan xagga dhaqalaha ah, musuq maasuq iyo wax isdaba marin oo ay sii dheer tahay ballanqadyada beesha caalamka oo aan la fulin, hase yeeshee markii laga soo tago awoodaha Al-Shabaab iyo dowladda KMG ah, waxaa sidoo kale dagaallada socda qeyb ka ah urur diimeedka suufiyada oo lagu tilmaamo inay yihiin qunyar socod dulqaad badan oo aan xiriir la lahayn Alqaacida,isla markaana siyaasadoodu ku salaysan tahay Aragti Soomaaliyeed, waxayna ka bar bar dagaallamaan ciidamada dowladda inkastoo ay sheegaan inaysan ku jirin Meleteriga ama ciidanka dowladda, waana awoodda saddexaad marka laga soo tago cududda Dowladda iyo midda Al-shabaab.

Iskusoo wada duuboo aad ayay u adag tahay in lagaaro horumar waara, haddii aysan dowladda KMG ah iyo beesha caalamka ee sheega inay taageeraan aysan la imaan wax qabad dhab ah, kaas oo dhinac walba isku dheelli tiran xag dhaqaale, xag siyaasadeed, kaas oo meesha ka saari kara in laga gudbo qaska iyo fowdadii ragaadisay Soomaaliya labaatankii sano ee lasoo dhafay ee saldhigeedu ahaa qori caaraddiis xukun ku doonka.

By: Elias Adam

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: