Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo ka hadlay khilaafka iyo muranka ka dhaxeeya Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan.

Halkaan ka akhri

War maanta Saladii Jimcaha kadib ka soo baxay Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa sheegaya in markii u horeysay Culimada ka hadleen khilaafka iyo muranka ka dhaxeeya Madaxweynaha soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif xasan shiikh aadan, iyagoo ku baaqay in wada hadal lagu dhameeyo.

Hase yeeshee Bayaanka ka soo baxay Culumaa’udiinka ayaa ka dambeeyay kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka la xiriira dhanka muddo kordhinta baarlamaanka iyo arrinta doorashada oo Madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ay ku kala aragti duwan yihiin.

Bayaanka ay soo saareen Culimada ayaa waxaa lagu yiri: “Marxalada dalka uu ku jiro, ee ah xaalada dagaal iyo dib u xoreynta, iyadoo la eegayo guulaha ay gaareen ciidamada qaranka, waxaa ugu baaqeynaa madaxda in khilaafkooda wada hadal ku dhameeyaan”.

Hase yeeshee Culimda waxay sheegeen in khilaafkan iyo is jiidjiidka uu yahay mid faa’ido u ah kooxaha nabada iyo dowladnimada diidan, waxayna intaa ku dareen in shacabka soomaaliyed aan war farxad leh u arkeyn khilaafkan.

Sidoo kale Culumaa’udiinka ayaa ugu dambeyn ka dalbaday madaxda ugu sareysa inay sameeyaan tanaasul kasta oo lagu bad baadin karo qaranka iyo shacabka soomaaliyed, iyadoo dalka ay ka jiraan colaado iyo abaaro, si taas loo eegana la sameeyo wax kasta oo khilaafka meesha ka saari kara.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa mudooyinkan dambe sii xoogeysanayey khilaafka Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka kaasoo la xiriira arrimaha muddo kordhinta baarlamaanka iyo doorashada la filayo inay dhacdo ka hor bisha 8aad ee Sanadkan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: