Dowlada Jabuuti oo Mamnuucday in xisbiyada mucaaradka dalkaasi ay Shiraan, Mudaaharaadyana ay sameeyaan.

Halkaan ka akhri

Dowladda Jabuuti ayaa mamnuucday in Xisbiyada mucaaradka dalkaasi ay maanta magaalada Jabuuti ku qabtaan bannaanbaxyo balaaran oo lagu soo beegay bilowga xiliga ololaha Doorashada Jamhuuriyada Jabuuti.

Wasaarada Arrimaha Guddaha ee dalka Jabuuti ayaa sheegtay in aan loo ogolaan doonin Xisbiyada Mucaaradka in ay ka qeyb qaataan olalaha doorashooyinka, sidoo kalena aysan qaban qaabin karin mudaaharaadyo, maadaama ay xisbiyadaasi diideen in ay ka qeyb qaataan musharaxiinta iyo doorashada dhici doonta bisha soo socota ee April.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Jabuuti  Yacin Cilmi Buux ayaa yiri “Cidna uma soo sharaxan Xisbiyadan doorashooyinka soo socda, sidaa daraadeed looma ogola in ay bilaabaan kulamo noocan ah oo la dhex gelinayo ololaha doorashooyinka”.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Xisbiyada Mucaaradka Jabuuti ay horay u sheegeen in aysan ka qeyb qaadan doonin doorashada ay sheegtay dowladda, taasoo ay sheegeen in aysan aheyn mid madax bannaan oo ay tahay mid musuq maasuq ah.. WAREYSIGII AY HORAY UGA QAADAY SOMALISWISS MADAXA XISBIGA MUCAARADKA PND EE AY KU DIIDEEN KA QEYBGALKA DOORASHADA HALKAN KA DHAGEYSO

Jagada Madaxweynanimo ee Jabuuti waxaa hada u sharaxan labo musharax oo kaliya, kuwaas oo kala ah Madaxweynaha hada xilka haya Cismaaciil Cumar Geele iyo Guddoomiyihii hore ee guddiga Dastuurka ee Jabuuti  Maxamed Warsame Rage.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa xukunka dalkaasi Jabuuti haya in kabadan 12 Sano, wuxuuna hada isu soo taagay inuu xilkaasi qabto markii sadexaad, haduu ku guuleystana uu xilka sii hayn doono muddo 6 sano oo dheeraad ah.

Si kasta ha ahaatee sanadkii lasoo dhaafay ee 2010-ka bishii March ayey Baarlamaanka dalkaasi Jabuuti ansixiyeen isbedalo lagu sameeyey Dastuurka dalka Jabuuti, si loogu ogolaado Madaxweynaha Jabuuti Cismaaciil Cumar Geele in markii sadexaad uu xilkaasi isu soo taago.

SomaliSwiss Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: