Dagaal khasaare kooban gaystay oo Waaberigii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho…

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saakay uu ka dhacay Iska horimaad khasaare gaystay, kaasoo ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab uu ku dhexmaray degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ku billaabmay, kadib markii ciidamo ka tisan dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadeen fariismo ay ku lahaayeen degmada Hodan  ee gobolka Banaadir halkaasi oo la tilmaamay in intaasi ka dib ay soo weerareen  Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Hase yeeshee inta la’ogyahay waxaa isku horimaadkaas ku dhaawacantay 3qof oo rayid ah waxaana la sheegay in dagaalkaas uu dhacay aagga Warshadda caanaha ee degmada Hodan halkasi oo ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Xarakada Shabaab ay iska horimaadka ku dhexmaray.

Si kasta ha ahaatee waxaa lagu soo waramayaa in barqadnimadii maanta Goobihii ay ku dagaalameen ay tahay mid degan inkastoo mararka qaar ay is weedaarsanayaan rasaas, waxaana mar waliba la filan karaa in halkaasi uu dagaal ka dhaco.

SomaliSwiss    Muqdisho.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: