Ciidamada Militiriga ee dalka Kenya oo la sheegay in ay ka soo tallaabeen xuduuda dalka Soomaaliya.

Somali & English

Halkaan ka akhri

Ciidamada Militiriga dalka Kenya oo ay la socdaan  ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka soo tallaabeen xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya, taasoo ka dambeysay hanjabaadii dhowaan Al-Shabaab u jeedisay.

Sida ay sheegtay Idaacadda BBC in Ciidamo ka tirsan Kenya ay ka tallaabeen xuduuda, si ay ula dagaalamaan Shabaab, hase ahaatee Afhayeenka Booliska ayaa beeniyay jiritaanka warkaas.

Jariirada afka dheer ee Kenya Standard Newspaper ayaa sheegtay in ilaa 11-ka tirsan Shabaab lagu dilay xuduuda, gaar ahaan deegaanka la yiraahdo Liboyo Kenya, kadib markii ay kula dagaalameen Ciidamada Kenyatiga.

Kumanaan askari oo ka tirsan Dowladda KMG ayaa Kenya ku tababartay dalkeeda, laakiin hadii tani dhabowday in Kenya si rasmi uga tallaabtay xuduuda waxay noqoneysaa markii u horeysay ee Kenya Ciidamadeeda ka soo gudbaan xuduuda.

Xarakada Alshabaab ayaa horay ugu eedeeyay Dowladda Kenya inay fara gelin ku heyso arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay taageereyso Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in Kenya ay ku soo gardarootay xuduuda, isla markaana ay weerari doonaan, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay ay Kenya bilowday dhaq dhaqaaq feejignaan ah, isla markaana ay ciidamo fara badan soo dhoobtay xuduuda.

Kenyan forces enter Somalia?

NAIROBI, Kenya, March 24 (UPI) — Kenyan authorities Thursday denied reports that their military forces entered Somalia to take on fighters with al-Qaida affiliate al-Shabaab.

An official source in Kenya told the BBC that forces entered Somalia, though a police spokesman denied the claims.

Kenyan forces are backing the transitional government in Mogadishu and training pro-government forces. If the reports are accurate, the BBC said, it would be the first time Kenyan forces crossed into Somalia.

Al-Shabaab, the al-Qaida affiliate waging war against the interim government in Somalia, claimed responsibility for a suicide attack at a police station that killed 10 people, including civilians and high-ranking police officials in February.

Somalia hasn’t had a functioning government since 1991 and is one of the most corrupt nations in the world. The transitional government controls only a small fraction of the war-torn country.

The terrorist group claimed responsibility for twin attacks July 11 in Kampala that killed more than 70 people during celebrations for the World Cup.

Kenya’s Standard newspaper adds 12 militants were killed during fighting along the eastern border with Somalia.

Source: UPI

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: