Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo Maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoo Garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ku soo dhoweeyeen Xildhibaano fara badan.

Sidoo kale Shariif Xasan oo diyaarad gaar ah ka soo dejisay Garoonka ayaa waxaa la socday xubno Xildhibaano ah, waxaana uu saxaafada uga warbixiyay safarkiisa, inkastoo uu sheegay in kulamadii uu ka soo qeyb galay uu Fadhiga Baarlamaanka ee soo socda ka sheegi doono.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in shirar kala duwan uu kaga soo qeyb galay dalalka Ghana iyo Kenya oo maalmihii u dambeeyay uu dhaq dhaqaaq xoog leh oo siyaasadeed ka waday, isagoo xusay in kulamadii uu soo qaatay ay guul ku soo dhamaadeen.

Hase yeeshee Shariif Xasan oo ka hadlayey dagaalada Ciidamada Dowladda ay la galeen Xoogaga Mucaaradka ayaa waxaa uu ugu baaqay beesha Caalamka inay gar gaar kala duwan la soo gaaraan degmooyinka Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ahlusuna ay la wareegeen.

Dhanka kale Shariif Xasan ayaa sheegay in doorashada Madaxweynenimo ay ka dhici doonto Soomaaliya, isagoo cadeeyay in gudi loo saari doono soo diyaarinta qaabka ay u dhaceyso doorashada sida uu hadalka u dhigay.

Si kasta ha ahaatee hadalka Shariif Xasan ayaa u muuqda mid uu si hoose ugu cadeeynayo qorshihiisa ku wajahan musharaxnimada xilka Madaxweynenimada ayaa hadana uusan soo hadal qaadin muddo kororsigii Baarlamaanka ee wali is maandhaafku ka taagan yahay.

Sida la wada ogsoon Madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa xilligan waxaa ka wada dhaxeeya khilaaf siyaasadeed wajiyo badan leh, iyadoo loolankooda uu hada ku biyo shubtay kursiga Madaxweynaha Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: