Madaxa siyaasadda dibadda Midawga Yurub oo soo dhaweysay Guulaha ay gaareen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Haweynayda Ururka Midawga Yurub ugu qaabilsan arrimaha siyaasadda dibadda Catherine Ashton, ayaa sheegtay in wasiiradda arrimaha dibadda kulan ay dhawaan ku yeelanayaan magaalada Brussels ee xarunta dalka Biljimka looga arrinsanayo arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka Soomaaliya si gaar ah dagaalada ka soo cusboonaaday gobolada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Haweynaydan ayaa si kooban u siisay warbaahinta in Midawga Yurub ay ka  yeelanayaan kulan ujeedadiisu tahay la socodka xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya gaar ahaan dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolada iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhanka kale Mss Catherine Ashton ayaa waxay soo dhaweysay guulaha ay ciidamada dawladda oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo Ahlu Sunnah ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.

Waxaa kaloo guulahaas ka hadlay xiriiriyaha arrimaha dibadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Spain Tirinaandi Jiminez, waxayna sheegay in midawga Yurub uu la dhacsan yahay siyaasadda dawlada KMG Soomaaliya, isla markaana ay ka hadli doonaan sidoo loo xoojin laha taageerada la siinayo dawladda KMG, sidoo kale waxaa kulankaas lagu soo qaaday arrimaha ka taagan wadanka Libya.

Sida la wada ogsoon yahay Midawga Yurub ayaa ka mid ah ururada sida weyn u tageera dawlada KMGS waxayna dhawr jeer dibadaha ku soo tababareen ciidamo dawladda ay leedahay, kuwaasoo haatan dagaalo kula jira dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab.

SomaliSwiss     Brussels

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: