Kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya (Contact Group) oo Shir looga hadlayo arrimaha burcad badeeda uga ka socda New York.

Halkaan ka akhri

Waxaa magaalada New York ee wadanka Maraykanka kulan  looga hadlayo sida wax looga qaban karo dhibaatada ay geystaan kooxaha burcad badeeda Soomaaliyeed ee Maraakiibta ka afduubta biyaha Soomaaliya.

Sida lagu soo warramay Kulan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya (Contact Group) oo ay ku midaysan yihiin wadamada daneeya arrimaha dalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya madax ka socota 60 wadan oo Maraykanku ka mid yahay waxaana diirada la saarayaa sidii loogu hor tagi lahaa dhibaatada burcad badeeda Soomaaliyeed.

New York Times oo ah Wargeyska sida aadka ah u akhristaanayaa sheegay  in kulankan ay sidoo kale goob jog ka yihiin ururo caalami ah oo arrimaha badaha qaabilsan kuwaasoo ay ka mid yihiin hay’adda IMO oo Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka badaha iyo IMB oo fadhigeedu yahay dalka Malaysia, waxaana sidoo kale lagu casuumay qaar ka mid ah wadamad ay sida weyn u saameeyeen hawlaha burcad badeeda.

Hase yeeshee warku wuxuu sheegayaa in kulankaan looga hadlayo sidii loo soo saari lahaa qaraar lagu taageerayo go’aan sanadkii 2009 kasoo baxay Golaha Amaanka ee QM oo tirsigiisu ahaa 18,51 kaasoo amarayay in laga hor tago hawl galada burcad badeedu ka geystaan biyaha Soomaaliya.

Sidoo kale Saraakiil ka socota isbahaysiga NATO oo ay ciidamo biyaha Soomaaliya ka joogaan ayaa ka qayb galaya shirka loogu arrinsanaya sidii laga yeeli lahaa burcad badeeda oo shalay ka furmay magaalada New York ee wadanka Maraykanka.

Si kasta ha ahaatee ma ahan markii ugu horreysay oo la qabto kulan loogu hadlaya burcad badeeda Soomaaliyeed, kuwaas oo ku andacooda inay yihiin ciidamo illaaliya xeebaha Soomaaliya, balse ma jiraan tilaabo cad oo muuqata oo burcad badeeda laga qaaday inkastoo ay biyaha Soomaaliya ay joogaan Maraakiib dagaal, haddana mar kasta ay ka dhacaan falal afduub ah.

SomaliSwiss   New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: