Guddomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo sheegay in Weligiis uu ka mid noqon Al-Shabaab, balse Dawladda uu xiriir la leeyahay…

Halkaan ka akhri

War uu saakay siiyey Warbaahinta Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad ayaa wuxuu ku tilmaamay inay been abuur tahay eedeyn uu u soo jeediyay Jan. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) . warkaas oo ahaa in ganacsadahaas yahay xubin ka tirsan kooxda Xarakada Al-Shabaab.

Hase yeeshee Ganacsade Cali dheere oo arrintaas ka jawaabaya wuxuu Yiri: “Anigu Shabaab ma nqon dembiilena maahi waxaana haboon in aan lagu sheegin qofka wuxuusan aheyn, Dawladana xiriir wanaagsan ayaan leenahay, waxaana joogaa goobaha ay ka taliso dawladda”, wuxuuna sheegay in aanu marna u eedeeyn dawladda xernanshiyaha Suuqa bakaaraha.

Sidoo kale ganacsade Cali dheere ayaa xernaashiyaha suuqa bakaaraha dusha ka saaray ciidamada midowga Afrika ee AMISOM oo uu sheegay in ay madaafiic ku garaacaan gudaha suuqa bakaaraha iyo wadooyinka gala, taasina ay keentay inuu xirmo suuqaas, wuxuuna sheegay in ay ogolyihiin kooxda Shabaab furitaanka wadooyinka gala suuqa bakaaraha, wuxxuna cadeeyay inuusan damaanad qaadi karin dhinaca Al-shabaab.

 

“Indha cade waxaan u aqoonsanahay sarkaal ka tirsan dawladda mana aqaano waxa uu u difaacayo AMISOM oo uu isaga dhigayo Afhayeen u hadalaya AMISOM, waana masuuliyad darri in masuul sare uu eedeymahan oo kale soo jeediyo waxaana ugu baaqayaa inuu raali gelin ka bixiyo’ sidaas waxaa yiri Ganacsade Cali dheere.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: