Jaaliyadda Soomaalida St. Gallen ee Switzerland oo soo bandhigtay farshaxan la xiiriira Sawiro gacameed Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton San Gallen (Ost Schweiz ) ee Wadanka Switzerland ayaa waxay habeenkii axadda soo gelaysay soo Bandhigeen farshaxan la xiiriira Sawiro gacameed oo ay in muddo ahba ku howlanaayeen sidii u soo saari lahaayeen, islamarkaasna ay tusin lahaayeen qaar ka mid dadka dalkan Switzerland.

Barnaamijkan farshaxanka ayaa wuxuu lahaa laba wiji, mid hore wuxuu la xiriiraa Is-dhexgalka dadka dhaqamada kala duwan leh (Integration), wijiga labaad waxaa loogu dan lahaa in Sawiro gacmeedka la soo bandhigay Munaasabadaas lagu iibiyo, si loogu helo dhaqaale wax loogu qabanaayo dhibaatooyinka iyo duruufaha ka jira dalka Soomaaliya.

Goobta lagu qabtay munaasabadda Bandhig farshaxaneedka ayaa waxaa joogay dhallinyaro ka tirsan jaaliyadda San gallen oo dadka ajaanibka u micnaynayey sawir gacameed dhaqanka Soomaalida iyo xaaladda muragsan ay bulshada Soomaaliyeed ay maanta ku Sugan tahay.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton San Gallen (Ost Schweiz )

Marwa Leyla Kanyare oo soo qaban-qaabisay barnaamijka lagu muujinaya dhaqanka Soomaaliyeed ayaa si ah uga furaxday sida ay u hirgashay ujeedooyinkii ay Jaaliyaddu ka lahayd bandhig farshaxaneedkaas.

Hadda farashaxankii la soo bandhigay halkaas ayaa waxaa laga dheehan karaa Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ay kaga jiraan Hiddaha iyo dhaqanka, balse waxaa amaan mudan dadkii ka soo shaqeeyey sawirada farshaxan gacameydka ee halkaas lagu soo bandhigay waxayna munaasabaddaas ku dhamaatay si farxad ah.

Haddaba haddii aad u baahan tahay macluumaad ku saabsan farshaxanka dhaqanka, waxaad la xiriiri kartaa telefoonka Lambarkiisu yahay 0718882571.

SomaliSwiss Z├╝rich

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: