Guri uu leeyahay Col. Qadaafi oo Gantaalo lagu bur buriyay iyo isagoo ku eedeeyey Mareykanka dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Maanta oo ah maalintii labaad oo dalalka reer Galbeedka ka wadaan dalka Libiya inay ku garaacaan saldhiyada Ciidamada iyo Guryaha uu Hogaamiyaha Libiya ku leeyahay gudaha dalkaas, taasoo loogu gun leeyahay sidii loo wiiqaan lahaa awooda Ciidamada daacada u ah Col. Qadaafi.

Bur buriyay loo geystay guri uu lahaa Col. Mucaamir Qadaafi, ayaa muujinaya inuu ahaa bur bur lixaad leh, waxaana geytay wadamada huwanta ah ee Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, waxayna diyaaradahooda la beegsadeen bartilmaameedyada Ciidamada Libiya ay leeyihiin gudaha dalkaas.

Hase yeeshee meelaha la duqeeyay ayaa waxaa ka mid ah saldhiga Ciidamada cirka, iyo goobo raadeerka iyo difaaca cirka ah, iyadoo la soo warinayo in gantaalada qaar ay ridayaan in ka badan labaatan diyaaradood.

Robert Gates oo ah Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegay in maalmaha soo socda hogaanka howl galka milateriga huwanta ah midkood ay la wareegayaan meelo kale oo muhim ah, si ay u wadaan weerarada ka dhanka ah Hoggaamiye Qadaafi.

Sida kale lagu soo warramay Guriga Qadaafi oo ka koobnaa dhismo afar dabaq ah ayaa dhulka lagu daray, wariyeyaasha warbaahinta reer Galbeedka ayaa soo sheegay in aanay wali muuqan khasaare ka dhashay weerarkaas,

Afhayeen u hadlay Ciidamada Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaas uu bartilmaameed lagu baacsanayey Madaxweynaha Libiya Col. Mucaamir Qadaafi, balse lama ogeyn inuu guriga ku jiray iyo in kale.

Dhanka kale Col. Mucamar Al-Qadaafi Madaxweynaha dalka Liibiya oo khudbad ka jeedinayay Telefishanka dalkiisai ku soo qaaday xaalada wadanka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay dalalka Mareykanka iyo reer galbeedka inay ka dambeeyaan dhibaatada labaatan jirsatay ee ka jirta Soomaaliya, isla markaana ay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha.

Madaxweynaha dalka Liibiya ayaa Xalay Khudbad ka jeediyay Telefishanada caalamiga ah ee uu dalkaas leeyahay, wuxuu ku dheeraaday inuu ka hadlo marxaladda dalkiisa uu marayo, wuxuuna sheegay in qalalaasaha wadankiisa ka socda ay ka dambeyso fikrad shisheeye oo uu sheegay in lagu doonayo burburinta dalka iyo dadka Liibiya, isagoo shacabka ugu baaqay inay u istaagaan sidii ay dalkooda uga difaacan lahaayeen cid kasta oo soo weerarta dalkooda.

Hoggaamiyaha Libiya ayaa ku canaantay in Reer galbeedku ay isku daydeen inaad baabi’isaan shacabka Soomaaliya, hase ahaatee uu sheegay inay ku fashilmeen, wuxuuna si gaar ah u soo qaatay Col. Qadaafi in Dowladda Mareykanka ay ahayd wax ka sheegi jiray Sheikh Shariif xilligii Maxkamadaha Islaamiga ah, isla markaana dhibaateyn jiray nidaamkii Islaamiga ah ee ka hanaqaaday dalka Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in Mareykanku markii dambe uu la heshiiyay Sheikh Shariif.

Sidaas darteed ayuu yiri Qadaafi, in heshiiska ay la galeen Sheikh Shariif ay tahay fashilka siyaasadeed ee ay kala kulmeen arrimaha Siyaasadda dalka Soomaaliya waayo shacabka Soomaaliya waxay iska caabiyeen duulaanka ay ku soo qaadeen reer Galbeed uu hoggaaminayey Mareykanka, hase yeeshee wuxuu ku booriyay Col. Qadaafi dadka Liibiya inay u istaagaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen weerarada gardarrada ah ee dalkooda lagu soo qaaday

Si kasta ha ahaatee Ciidamada reer Galbeedka ayaa u muuqda kuwo sii adeegsanaya awoodo ka badan oo baxsan go’aankii Golaha Ammaanka ee ahaa in la sameeyo aag diyaaradaha ka caagan oo hawada Libiya ah, taasi waxaa si cad u horistaagay Ururka Jaamacadda Carabta oo ka qaylisay tallaabadii shalay ay qaadeen Ciidamada huwanta ah.

SomaliSwiss Wakaaladaha Wararka

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: