Degmada Dhoobley oo ay maanta xaaladeeda degan tahay, balse la isku hor fadhiyo daafaheeda.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray barqadnimadii maanta ayaa sheegaya in xaaladda degmada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose ay degan tahay, ka dib markii dagaal xoogan uu shalay halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda KMG iyo Xarakada Shabaab.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in dagaal halkaas ka dhacay uu gaystay khasaaro isugu jira Naf iyo Maalba sh, waxaana la xaqiijiyay haatan in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay wali gacanta ku hayaan degmadaasi.

Hase yeeshee dadka deegaan ayaa sheegaya in dagaalkii shalay ka dhacay degmadaasi ay ku geeriyoodeen dad rayid ah islamarkaana ay ku barkaceen qoysas aad u faraban, kuwaas oo u dulqaadan waayeen rasaasta iyo madaafiicda ay isla dhacayeen dhinacyadii ku dagaalamayey degmadaas.

Si kasta ha ahaatee Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose ayaa waxaa uu ahaa mid xoogan ilaa haatanna la soo sheegaya in xaaladda ay kacsan tahay oo la isku hor fadhiyo daafaha degmadaas.

SomaliSwiss Dhoobley

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: