Ciidamada dowladda KMG oo la sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Dhoobley ee gobolka Jubadda Hoose.

Halkaan ka akhri

Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Kuwa Raaskambooni ayaa la wareegay gacan ku haynta degmadda Dhoobley ee Gobolka Jubadda hoose, kadib marakii xalay saqdii dhexe uu dagaal xun ka qarxay degmadda Dhoobleey iyo  deegaano ku dhow dhow, waxaana la sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni ay weerar ku soo qaadeen Degmada Dhooblay oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sida la xaqiijiyay dagaalkaas ayaa wuxuu dhaxeeya Ciidamadda dawladda KMG Soomaaliya oo iyagu lagu soo tababaray xeradda Siyeelow oo ku talla gudaha dalka Kenya iyo kooxdda Al-Shabaab oo halkasi horay u haysatay.

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in dagaalkaasi Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Raaskambooni ku qabsadeen Degmada Dhooblay, iyadoo magalaadaasi xalay oo idil laga maqlaayay hubka nuucyadiisa kala duwan , iyadoo Ciidamada Dowladda KMG ah oo si aad ah u tababaran ay ku soo siqayaan fariisimada Al-Shabaab ee Gobolkaasi.

Dhanka ilaa haatan lama  xaqiijin karo in dowlada ay qabsatay degmada Dhoobleey oo ah degmo ku taalo xadka uu Gobolka J/hoose la wadaago Dalka Kenya Inkastoo ay jiraan warar is burinaya ee la xiriira dagaalka ka dhacay degmadaas

Sidoo kale waxaa la rumeysan yahay in dagaalkaas ay ku dhinteen dad badan, hase yeeshee wali lama helin tirada khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, hase yeeshee ilo ku dhow-dhow dowladda ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ay qabsadeen degmada Dhoobleey, Balse ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab.

SomaliSwiss Dhoobley

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: