Xarakada Al-Shabaab oo dagaal rogaal celin ah mar kale kula wareegtay degmada Dhoobley.

Halkaan ka akhri

Dagaalo faraha looga gubtay oo maanta barqanimadii marka ka dillaacay degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose, oo kaabiga u saaran xuduuda Kenya, kadib markii weerar dhowr jiho ay ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda KMG oo wehliya Ciidamo daacad u ah Axmed Madoobe oo hogaamiya Ururka Raaskambooni.

Sida ay sheegayaan wararka dagaaladan ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad tobaneeyo qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamayay, halka qaar kale oo rayid ku jiraan ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa qeybtiisa hore labada ciidan ee dagaalamayay isla soo galeen degmada, iyadoo ay dib u gurasho sameeyeen Ciidamada Shabaab, oo degmada ka baxay markii dhowr jiho looga yimid.

Hase ahaatee saacado kadib gurmad ballaaran oo u yimid Shabaab, ayaa waxaa ugu suura gashay inay weerar rogaal celis dib gacanta ugu dhigaan degmada Dhoobley oo dagaalada ay si weyn u saameeyeen.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in dagaalkan uu ahaa mid madaafiicda culus la isku weydaarsanayay ayaa la sheegay inay gubeen guryo badan, waxaana degmada ku hoobtay madaafiicda loo yaqaano BM-ka oo ka imaanayay dhinaca xuduuda Kenya oo aheyd halka ay ka soo weerar qaadaan Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Raaskambooni.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Xarakada Alshabaab ayaa sheegay in si buuxda gacanta ugu hayaan degmada, isla markaana weerar rogaal celis ah kula wareegeen degmada, ayna qasaare xoog leh ku gaarsiiyeen Ciidamadii soo weeraray.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in dagaaladii maanta ka dhacay degmada Dhoobley ay ahaayeen dagaalkii ugu cuslaa ee soo mara degmadaas, tan iyo maalmihii u dambeeyay oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo saan saan dagaal ka jireen deegaanada xuduuda Kenya iyo kuwa Jubooyinka oo abaabul ciidan ay ka jireen.

SomaliSwiss Dhoobley

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: