Madaxweynaha Libya oo shaaca ka qaaday in Badda Mediterraniyam-ka iyo Waqooyiga Afrika ay isu badashay aag dagaal.

Halkaan ka akhri

Wararka ka soo baxaya magaalada Tripoli ee dalka Libiya ayaa sheegay in Madaxweynaha Libiya Col. Mucaamir Qadaafi uu ka hadlay in Badda Mediterraniyum-ka iyo Waqooyiga Afrika ay isu badaleen aag dagaal, wuxuuna ku baaqay shacabkiisa inay iska difaacaan waxa uu ugu yeeray gardarada Isticmaarka.

Wuxuu kaloo uu  sheegay Hoggaamiye Col. Qadaafi  in shacabka dalkiisa uu bakhaarada u furi doono, si ay isaga difaacaan duulaanka waxa uu uga yeeray Gaalada, kadib markii duqeyn xaga cirka iyo bada ay ku bilaabeen Ciidamada reer Galbeedka ee xulafada ah.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Libiya ayaa sheegay in dalkiisa lagu soo duulay, isla markaana uu is difaacayo , hase ahaatee hadalka Qadaafi ayaa wuxuu u ekaa mid digniin ah ee uu hawada u marinayey Dowladaha reer Galbeedka ee isu baheysanaya inay awood ku maquuniyaan Dowladiisa.

Telefishinka dalka Libiya ayaa soo saaray war lagu sheegay in duqeymihii loo geystay dalkaas ay ku dhinteen dad ku dhow 50-qof oo rayid ah, waxaana Afhayeen u hadlay xoogaga daacada u ah Qadaafi uu sheegay inay soo rideen diyaarad Faransiisku leeyahay, hase ahaatee Dowladda Faransiiska ayaa beeniyay.

Dhanka kale Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama oo haatan booqasho ku joogo dalka Brazil ayaa ka hadlay xaaladda dalka Libiya, wuxuuna sheegay in dalkiisa aanu ciidan dhulka ah u diri doonin, hase ahaatee wuxuu caddeeyey inay kala mid yihiin xulafadooda ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada duulaanka dhinaca badda iyo weerarka dhinaca hawada badda.

Hase yeeshee warar soo baxaya Saacadihii uga danbeeyey ayaa sheegaya in Xoogaga mucaaradka ay dib u qabsadeen magaalada Benghazi goobo ay ka joogeen Ciidamada Qadaafi, markii ay isaga baxeen, waxayna ka dambeysay tallaabadaas weerarada xaga cirka ee ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska iyo Britain.

SomaliSwiss Tunisia

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: