Ahlu Sunna Waljameeca ee G/Gedo oo sheegtay in ay gacanta ku hayaan Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo isku soo dhiibay.

Halkaan ka akhri

Afhayeen u hadlay Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan maliishiyaad ka tirsan Al Shabaab oo isku soo dhiibeen maalmihii u dambeeyay ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay gobolka Gedo.

Sheekh Max’ed Xuseen Al qaadi oo ah Afhayeen culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo oo la hadlayay Warbaahinta ayaa  sheegay in Maliishiyaad  tiradoodu ay kor u dhaafeyso 25 dagaalyahan ah oo ka tirsanaa Al Shabaab ay haatan isku soo dhiibeen ciidamada Ahlu Sunn, kuwaasi oo ka soo baxsaday Al shabaab.

Sidoo kale Afhayeenku wuxuu  sheegay inay rajo weyn ka qabaan in ay Ahlu Sunna isku soo dhiibi doonaan dhalinyarada la marin habaabiyey oo ka tirsan Al Shabaab kuwaas oo haatan ay ogadeen runta waxa ay tahay iyo dagaladda ay ku soo wadaan Ciidamadda Ururka Ahlusunah iyo kuwa dawladda KMG ee soomaaliya ee ku soo wajahan Goobaha kuunfureeyd ee ay weli ku sugan yihiin Xarakada al-shabaab.

Hase yeshee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay horjoogayasha Kooxdda Al shabaab oo ku aadan hadalka ka soo yeeray Masuuliyiinta Ahlu sunaha ee la xiriira  maliishiyaad ka tirsan Al Shabaab oo is dhiibay, inkastoo ay jiraan dagaalo xoogan oo sacadihii ugu dambeeyay ka dhacayay deegaano ka mid ah  goboladda koonfureeyd kuwaasi oo ay horsed ka yihiin Ciidamo lagu magacaabo Raskabooni iyo kuwo ay leedahay dawladda KMG ah.

SomaliSwiss Ceel-waaq

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: