Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka oo ka warbixiyay qorshaha lagu horumarinayo howlaha wasaaradiisa.

Halkaan ka akhri

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka Dowladda KMG ah Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo Muqdisho kula hadlayay warbaahinta ayaa wuxuu ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradiisa iyo dadaal Dowladda KMG ah ku dooneyso inay tababaro dalka dibadiisa ugu qaado qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradaha kala duwan.

Sidoo kale Agaasime Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) waxa uu sheegay in maalinimadii shalay ay Muqdisho ka dhoofeen in ka badan toban shaqaale oo ka tirsan Wasaaradaha Dowladda, iyagoona u ambabaxay dalka Sieraleone halkaasi oo ay ku qaadan doonaan tababaro la xiriira maamulka Wasaaradaha dowladda KMG ah iyo nidaamyada shaqooyinka dowliga ah, wuxuuna intaa uu raaciyey inay jiraan shaqaale kale oo iyana tababaro kor loogu qaadayo howlahooda ugu ambabixi doona dalka dibadiisa.

Dhanka kale Agaasimuhu wuxuu sheegay in shaqaalaha Dowladda ee hadda ugu ambabaxay aqoon kororsiga wadanka Sieraleone qaarkood ay ka mid yihiin shaqaale ka socda Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka, kuwaasi oo uu sheegay in aqoonta ay halkaasi ka kororsadaan ay u sii gudbinayaan shaqaalaha kale ee waaxyaha Wasaaradaasi.

Si kasta ha ahaatee waxaa muuqda in Wasaaradaha Dowladda KMG ah ay la soo baxeen dardar iyo firfircoonida howlkarnimada dowliga ah ayaa Guddiga Qaranka shaqaalaha rayidka ah waxay qireen in Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka ay tahay mida koowaad ee xilligan adag uu ka muuqdo mid ka soo dhalaaleysa doorkeeda.

Ugu danbeyntii Md. Dhagaxtuur waxa uu sharaxaad ka bixiyay qorsheyaasha lagu horumarinayo howlihii ay Wasaaradda u heysay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in markii ugu horeysay uu dib u soo celinayo dhammaanba shuruucdii iyo nidaamkii Wasaaradaasi ku howlgeli jirtay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: