Wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hiraan & Midland oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO VIDEO & SAWIRO

Halkaan ka akhri

HALKAN KA DAAWO SOO DHAWEYNTA

Waxaa shalay magaalada Muqdisho si diiran loogu soo dhaweeyey Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hiraan & Midland iyo qaar ka tirsan sarakiisha Maamulkaas.

Waxa Shalay Aroornimadii Muqdisho ka dagtay duyuurad waday Wafdi heer sare ah uu Hogaaminayay Madaxweynaha Maamul Goboleedka HIiraan iyo Midland Eng. Abduqaadir Aadan Abdi Jiraabey iyo qaar kamid ah wasiirada Maamulkiisa.

Ujeedada socdaalka madaxweynaha iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa la sheegay in uu yahay  xal u radinta colaadaha ka taagan degaanada Hiiraan iyo Midland.

Sidoo kale madaxweyne Jiraabey iyo wafdiga lasocday ayaa  la sheegay in garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ay si diiran ugu soo dhaweeyeen qaar ka tirsan Xildhibaanada dowlada KMG Soomaaliya iyo Wasiiro ka soo jeeday gobolada Hiiraan iyo Midland, kuwaas oo ay kamid ahaayeen, Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiir ku xigeenki  Gashaandhiga iyo qaar kale oo badan

Guud ahaan socdaalkani ayaa ah kii ugu Horeeyay  ee uu Madaxweyne Matala Hiiraan iyo Midland oo ay beelaha deegaanadaasi doorteen uu socdaal rasmi ah ku tago magaalada Muqdisho.

Dhanka kale  Madaxweyne C/qaadir Aadan Jiraabey iyo wafdigaiisa ayaa dagey Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaa ayna shir Jaraaid ku qabteen Hotelkaas, kaasoo ay kaga hadleen ujeedada socdaalkooda, iyo dagaalada ka socda Gobolada Hiiraan iyo Midland gaar ahaan magaalada Baladweyne iyo nawaaxigeeda.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

This slideshow requires JavaScript.


%d bloggers like this: