Haweenka ku jira Baarlamaanka KMG oo eedeymo u jeediyay gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.

https://i0.wp.com/shacabka.net/uploads/content/photo/11918.jpg

Halkaan ka akhri

Kulan gaar aha oo ay yeesheen Haweenka ku jira Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxa ay eedeymo kala duwan u soo jeediyeen guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xaawo Cabdullaahi Qiyaad  oo ka mid ah Xildhibaanada Haweenkakuwa uga firfircoon ayaa waxay xidhibaanada kale Haweenka ah ugu baaqday in ay markasta ay ka qeyb qaataan sidii ay u hei lahaayeen xuquuqdooda gaarka ah.

Sidaoo Xildhibaanad Xaawo Cabdullaahi ayaa caddaysay in la jabiyay qodobo dastuurka ka mid ah, kasoo ay ku qeexday in la horistaagay inay heleen xuquuqdooda xildhibaanada haweenka ee baarlamaanka dowladda KMG, iyadoona xildhiabanada ay u jeedisay eedeymo guddoomiyaha baarlamaanka iyo beesha caalamka.

Hase yeeshee Xildhibaanad Qayaad ayaa eedeyn ay u jeedisay guddoonka iyo xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood iyo waliba beesha caalamka in aysan diyaar u aheen in ay wax la qabtaan xildhibaanada haweenka baarlaamka ku jira.

Sikasta ha haatee  waxaa ugu danbeyntii, Xildhibaanada ayaa ka codsatay in dhammaan cidda ay quseyso in ay mas`uuliyadooda qaadato, si meesha looga bixiyo is horistaaga xuquuqda xildhibaanada haweenka ee ku jira Baarlamaanka KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: