Ergeyga QM ee Soomaaliya iyo gudoomiyaha Baarlamanka KMG oo kulan ay albaabada u xiran yihiin ku leh magaalada Nairobi.

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in kulan albaabada u xiran uu uga furmay halkaasi Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ergeyga QM u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Danjire Augostin Mhinga.

Sidoo kale wararka hordhaca ah oo kulankaasi ka soo baxay ayaa sheegaya in labada Mas’uul ay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee wadanka Soomaaliya uu marayo, xilliga kala guurka ah ee Dowladda KMG ah iyo qaabka loooga gudbi karo.

Sida la sheegay Kulankaasi ayaa wuxuu bilowday shalay gelinkii dambe, waxaana la filayaa in maanta ay ka soo baxaan go’aano ku wajahan waxyaabihii looga wada hadlay, iyadoo arrimaha ay isla soo qaadeen Agusting Mhinga iyo Shariif Xasan qodobo ay ka mid yihiin khilaafka u dhaxeeya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Dowladda KMG ah, go’aanka Baarlamaanka uu mudada ku kordhistay iyo arrimo kale.

Kulanka gaarka ah ee magaalada Nairobi uga furmay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka iyo Ergeyga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa la sheegay in loo diiday oo ay dibadda ka joogeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo qeybaha Warbaahinta, taasi oo muujineysa muhiimadda uu kulankaasi u leeyahay labada mas’uul.

Hase yeeshee kulankan ayaa waxaa inta badan looga hadlayey qorshaha Dowladda KMG ah, go’aanka Golaha Baarlamaanka ka soo baxay fadhigiisii doraad ee uu ku sheegay inuu diyaarinayo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, walaaca beesha caalamka ku qabto isla shaqeyn la’aanta mas’uuliyiinta Dowladda KMG ah iyo sida xukuumadda looga samatabixin karo is qabqabsiga dhexdeeda ah.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: