Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo ka hadlay xaaladda cakiran ee Suuqa Bakaaraha.

Halkaan ka akhri

Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka jirta Suuqa Bakaaraha oo dhowaan guddi ay leeyihiin ganacsatada suuqaasi ku eedeeyeen in ciidamada AMISOM iyo dowladda ay diidan yihiin in la furo waddooyinka soo gala Suuqa.

Hase yeeshee Axmed Diiriye wuxuu sheegay inuu isagu maqlay warkaasi, balse uu sheegay in Suuqa Bakaaraha oo ay shacabka Soomaaliyeed ku ganacsadaan uu weligii furnaa ilaa xilligii ciidamada Ethiopia ay Muqdisho joogeen.

Ganacsiga Suuqa Bakaaraha waa in dib loo furo, Dowladda iyo AMISOM waxaan ugu baaqayaa ayuu yiri Axmed Diiriye in ay ogolaadaan furitaanka suuqaas, waxaa kaloo uu sheegay oo dhowr jeer  ku celceliyay dalabka  ku aadan sidii ganacsiga Suuqa Baakaraha uu dib ugu soo noqon lahaa.

Dhanka kale afhayeenka beelaha Hawiye wuxuu sheegay in guddiga ganacsatada suuqa Bakaaraha ay sheegeen in Dowladda iyo AMISOM uu u xiran yahay, taasi oo muujineysa inuu isagu qeyb ka ahayn dadaalada lagu doonayo dib u furista ganacsiga suuqaasi, waayo Guddigu waa inuu u sheegaa sidoo kale in xarakada Al-shabaab ay iyaguna isaga baxaan dhufeysyada, wuxuuna caddeeyey in shacabka Muqdisho ku dhaqan ay dhibaato ku qabaan ganacsiga suuqaas.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: