Wasaarada Gaashaandhiga oo digniin u jeedisay Odayaasha ka bar bar dagaalamaya Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Wasaarada Gaashaandhiga dowlada KMGS Soomaaliya ayaa digniin culus u jeedisay Odayaasha ka bar bar dagaalamaya xarakada Al-Shabaab, kuwaasi oo qaarkood dhawaan la hadlay saxaafada.

Hadal ay soo saartay wasaarada gaashandhiga dowlada KMG ayaa waxaa ay u sheegtay in dhawaan ay howlgal saf ah ka fulinayaan gobolada dalka, kaasoo sida ay sheegeen ay ku doonayaan in ay kula wareegaan gobolada dalka Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay in Odayaasha ay ka waantoobaan ka bar bar dagaalanka Al-Shabaab, ayna ka fikiraan naftooda in aysa qatar galin, maadaama ay dowladda ka go’an tahay taasi.

“Waxaan maalmahan arkeynay Odayaal hub sita oo nimankan nabad diidka ah ay u soo dhiibeen, sidaas darteed waxaan uga digeynaa in lagu soo qaldo dagaalada” ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha.

Hadalkan ayuu ka jeediyay Munaasabad shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, kaasoo ay xilalka ku kala wareegeen Taliyihii Ciidamada Booliska Jen. Cali Madoobe oo si KMG xilkiisa ugu wareejiyay Taliye xigeenkiisa.

Maalmihii u dambeeyay ayay aheyd markii magaalada Muqdisho lagu arkay Odayaal Al-Shabaab ay ka soo wadeen magaalooyin ay kamid tahay Jowhar, isla markaana ku hubeysnaa Hubka noocyadiisa kala duwan, sheegeyna in ay ka qeyb qaadanayaan dagaalada laga horjeedo dowladda kmg Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: