Qaramada Midoobay oo Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ka qaban qaabinaysa dalka Kenya.

Halkaan ka akhri

Doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya ayay qaban qaabadeedu ka bilaabatay dalka Kenya xilli waqti yar uu ka haray mudadii Madaxweynaha iyo Gudoonka Baarlamaanka, iyadoo Qaramada midoobay ay bilowday inay latashiyo la samayso wakiillo ka kala socda Soomaaliya, qeybaheeda kala duwan, kuwas oo loo diray casuumaad, sida Madaxweyne Shariif, gudoomiyaha baarlamaanka, maamulka Puntland iyo qeybo kale Soomaalida ah.

Ilo wareedyo SomaliSwiss warkaan ka soo xigatey ayaa sheegey in Qaramada Midoobey ay qorsheyneyso in marka uu qabsoomo kulankaan hordhaca ah ee latashiga wakiillada qeybaha Soomaalida, ka dib Xildhibaanada Baarlamaanka la isugu geeyn doono Magaalada Nairobi si ay u doortaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa waxaana Doorashadaan la qorsheeyey in ay socoto muddo Todobaad ah.

Sidoo kale ilo wareedyadaan ayaa SomaliSwiss u sheegay in latashiyada wakiillada ka dib, wakiilka xog hayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Mahiga lagula taliyey in aysan Doorashada ka dhicin Magaalada Muqdisho iyagoo sabab uga dhigay in ay dhici karto inay ku shubtaan ama ku soo baxaan Tartanka Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan waayo haddii lagu qabto Magaalada Nairobi waxaa kor kala socon kara Beesha Caalamka, halka aysan suurta gal ahayn magaalada Muqdisho, inkastoo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha soomaaliya labaduba codsadeen in Doorashadu ay ka dhacdo dalka Gudihiisa maadama aan hore loogu qaban.

Qaramada midoobay ayaa Nayroobi ku casuumtay inay yimaadaan wakiillo ka kala socda Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isulwasaaraha,  Ahlu Sunna , Pundland, Soomaaliland iyo Xubno kale oo wakiillo ka ah maamullo ka jira Soomaaliya

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: