Ciidamo ka wada tirsan Ahlu Sunna Waljameca oo ku dagaalamay degmada Luuq.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo ka wada tirsan Ahlu Sunna ay maanta isku rasaaseeyeen degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamo ka wada tirsan Ahlu Sunna ay isku qabsadeen gacan ku heynta gawaari dagaal oo ay qabsadeen, islamarkaana maalmihii u danbeeyay ay ku muransanaayeen.

Israsaaseyntaasi ayaa geysatay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray ciidamadii iska hor imaadka uu dhexmaray iyo dad rayid ah.

Isku socodka gaadiidka iyo dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee ka jiray degmada Luuq ayaa la sheegay in saacado kooban uu istaagay, rabshada halkaasi ka dhacday owgeed.

Ciidamadan oo ka wada tirsan Ahlu Sunna ayaa lasheegay in qaar kamid ah ay taageersan yihiin dowlada KMG, kuwaas oo todobaadki hore gaaray halkaasi wax yar kadib marki ay ka baxeen kuwa xarakada Al-Shabaab.

SomaliSwiss Gedo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: