Xukuumadda Washington oo soo dhaweeysay Guulaha ay soo hooyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah.

Halkaan ka akhri

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka ayaa waxay warbixin ka soo saartay Xaladda ka jirta dalka Soomaaliya waxana warbixntu lagu sheegay in xukuumadda Washington ay soo dhaweynayso hawl galada ay ciidamada Midawga Africa ee AMISOM ka wadaan Soomaaliya ee lagu xoojinayo nabadda Soomaaliya.

Waxaa kaloo warbixintu lagu sheegay in Maraykanku uu soo dhaweynayey guulahaas, kadib dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya, waxaana warbixintaas lagu xusay in ciidamada dawlada iyo AMISOM ay gacanta ku hayaan 60 illaa iyo 70 % magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Maraykanka ayaa soo dhaweeyay ciidamadii ay dhawaan dawlada Burundi  u soo dirtay wadanka Soomaaliya ee kunka askari gaaraya waxaana Marayakanku sheegay sheegay in ciidamadaasi ay door muhiim ah ka qaadan doonaan hanaanka nabad ku soo celinta Soomaaliya.

Dhanka kale Maraykanka ayaa ku dhaliilay dawlada KMGS wax uu kusheegay hormar la’aan iyadoona uu sidoo kale tilaabo aan wanaagsanayn ku tilmaamay go’aankii ay waqtiga ku kororsadeen xildhibaanadda baarlamaanka .

Kaaliyaha xog’hayaha arrimaha dibadda Maraykanka Johnnie Carson ayaa sheegay in dawladda KMG Soomaaliya looga fadhiyo inay ka fogaato wax qabad la’aan iyo inay waqtiga kororsato.

Sida la wada ogsoon yahay Maraykanka ayaa waxaa uu ka mid yahay wadamada sida weyn u taageera siyaasadda dawlada KMGS iyo hawl galka ciidamada Midawga Africa ee AMISOM ka wadaan Soomaalia.

SomaliSwiss  Washington

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: