Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Dagaal saf balaaran ah oo ay qaadeen ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa xalay waxaa uu ka dhacay xaafado badan oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Sda lagu soo warramay dagaalkii xalay dhacay ayaa ahaa mid aad u culus, wuxuuna bilowday saqdoo dhexe ee habeenimo, waxaana dagaalkaasi uu bilowday kadib markii ciidamo ka tirasn Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku lahayeen magaalada Muqdisho, waxaana dagaalkaas uu ku sii fiday xaafado ku yaala degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo C/casiis ee gobolkaa Banaadir.

Sidoo kale warku wuxuu sheegayaa in inta la’ogyahay ay dagaalkaas ku dhinteen ku dhowaad 10-qof oo rayid ah, kuwaas oo la sheegay inay haleeshay rasaastii iyo madaafiicdii ay is weedaarsanayeen labada dhinac, hase ahaatee tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen waxaana la geeyay Isbitaalada ku yaala magalada Muqdisho.

Dhanka kale meelaha uu dagaalka qarxay ayaa waxaa ka mid ahaa: Wasaaradda gaashaandhiga, Nawaaxiga Kulyadda Jaalle Siyaad, Sarta Shareeco, Agagaarka Digfeer, Isgoyska Dabka, Shaqaalaha, Xeebta Liiido, Isgoyska Boondheere, Nawaaxiga Madaxtooyada iyo Agagaarka 5-geed ee degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigleey, waxaana dagaalkaasi uu qaatay saacado badan.

Hase yeeshee wax war ah kama soo bixin dhinacyadii dagaalamay, balse dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa wuxuu daba socdaa duqeyn shalay la’isku weedarsaday Muqdisho taasi oo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 15- qof iyo dhaawacyo kor u dhaafaya 17-qof oo rayid ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: