Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee FBI oo sheegtay in uu weli nool yahay Abuu Mansuur Al Amriiki.

Halkaan ka akhri

Saxaafadda caalamka, gaar ahaan tan Mareykanya ayaa waxay saakay soo qoreen inuu nool yahay sarkaalka u dhashay wadanka Mareykanka ee magaciisu lagu sheegay Abuu Mansuur al imriiki.

Sirdoonka Mareykanka FBI ayaa saxaafadda Caalamka u sheegtay in Abuu Mansuur al Amriiki uu noolyahay, lana xaqiijiy in uu ku sugan yahay haatan caasimadda dalka soomaaliya ee Muqdisho.

FBI da ayaa hadalkeeda ku dartay Al Amriiki in uu dhaawacmay balse la xaqiijiyay in uu nool yahay ayadoona durba cabsi xoogan la soo wajahday dowladda Mareykanka oo u aragta sarkaal kaasi in uu ku yahay mid halis galin kara dowladda Mareykanka.

Dhanka kale Sirdoonka Mareekanka waxay sheegeen in ay heleen warbixino cadeenaaya in uu weli uu bad qaba AL Amriiki, lagana yaabo in uu dhaawacaasi u geeriyoodo hase ahaatee uu haatan nool yahay.

Hase yeeshee hadalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa Xilli horay loo shaaciyay inuu geeriyooday Abuu Mansuur Al-Amriiki oo ka mid ah dagaalyahanada ku sugan Dalka Soomaaliya una dagaalamaya xarakada Al-shabaab.

SomaliSwiss Washington DC

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: