Afhayeenka ciidamada AMISOM oo caddeeyey in waddooyinka Suuqa Bakaaraha gala in ay u xiran yihiin kuwa dhufeysyada ka qotay.

Halkaan ka akhri

Afhayeenka ciidamada AMISOM Captain Barigiye Bahoku ayaa jawaab ka bixiyay eedeyn uga timid guddiga ganacsatada suuqa Bakaaraha oo sheegayay in AMISOM ay diiday in la furo waddooyinka suuqa Bakaaraha, waxauuna sheegay Captain Barigiye Bahoku in dhinacooda aanu u xirneyn suuqaas, balse uu u xiran yahay kuwa dhufeysyada waaweyn ka qoday wadada dhexdeeda, gaar ahaan kuwa dhufeysyada ka qotay wadada Dabka ee tagta suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale Captain Barigiye Bahoku wuxuu sheegay inuusan arkin guddiga ganacsatada ee lagu sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii loo furi lahaa waddooyinka gala suuqa Bakaaraha, hase yeeshee afhayeenka waxa uu caddeeyay in dhinacooda aanay haba yaraatee wax lug ah ku lahayn.

Captain Barigiye Bahoku ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymahaas, isagoo sheegay in hadii ay xiri karaan suuqa bakaraha ay xiri lahaayeen garoonka diyaaradaha iyo Dekeda Muqdisho oo uu tilmaamay inay tahay halka badeecadaha ka soo degaan ee suuqa loogu sii gudbiyo.

Afhayeenka AMISOM oo hadalkiisa sii wato mwuxuu yiri: “Dowladda iyo AMISOM uma xirna suuqa Bakaaraha ee wuxuu u xiran yahay kuwa hogagga ka qoday wadada suuqaas dhexdeeda” wuxuuna intaa uu raaciyey in haddii ay doonayaan xiritaanka suuqa Bakaaraha ay xiri lahaayeen garoonka diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho oo ganacsiga ka soo dega la geeyo suuqaasi.

Hadalka afhayeenka AMISOM ayaa ku soo beegmaya 24-saac kaddib markii Guddoomiyaha ganacsatada suuqa bakaaraha Cali Dheere uu ku eedeeyay AMISOM inay hor istaagtay dib u furida waddooyinka gala suuqa Bakaaraha, hase yeeshee dhinaca kale warar hoose oo aanu ka heleyno shirar iyo kulamo guddi ka socda ganacsatada suuqa bakaaraha iyo xubno ka tirsan Dowladda KMG ah ay uga wadahadleen sidii dib loogu furi lahaa waddooyinka ku xirmay dagaalada u dhaxeeya Dowladda iyo AMISOM oo dhinac ah iyo xarakada Al-Shabaab.

Si kasta ha ahaatee warar kale ayaa sheegaya in guddiga ganacsatada suuqa Bakaaraha uu damaanad qaadi waayay wixii dhibaato ah ee ka yimaada ururka Al-Shabaab, shuruudaasi oo ka timid dhinaca ciidamada AMISOM, ayaa sababtay in guddigu u fasirtaan inay diidan yihiin furitaanka wadadaasi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: