R/Wasaare Farmaajo oo sheegay in dowladda KMG ah ay wax badan qabatay mudadii yareyd uu xilka hayay, balse wax badan ay harsan yihiin.

Halkaan ka akhri

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu waraysi siiyey qaar ka mid ah Warbaatanta, wuxuuna ka hadlay shirkii Golaha Ammaanka ee QM oo uu ka qeyb galay, sidoo kale wuxuu ka hadlay waxqabadka Dowladda KMG ah, gaar ahaan mudadii uu xilka hayay iyo arrimo kale.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu sheegay in shirka QM looga hadlay xaaladda wadanka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu kulamo la yeeshay qaar ka mid ah madaxda d dalalka caalamka, isla markaana ka wadahadlay sidii loo taageero lahaa Dowladda KMG ah, isla markaana dalka looga saari lahaa wax uu ugu yeeray kooxaha khawaarijta oo uu ula jeeday ururka Al-Shabaab, isagoo tilmaamay inuu ballan qaadyo ka helay Madaxweynayaashii uu la kulmay.

Ra’iisal Wasaare Farmaajo oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Dowladda KMG ah mudadii aan xilka hayay wax badan ayay qabatay waxna waa u harsan yihiin”, wuxuuna sii raaciyey in xukuumadiisu isbedel ku sameysay Dowladda KMG ah, sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ay ku guuleysatay xiriirka dibadda iyo inay caalamka taageero uga hesho la dagaalanka ururada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, isagoo tilmaamay in xukuumadiisu horumar ka sameyneyso dagaalada ay la gashay kooxahaasi.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa mar uu ka hadlayay xil ka qaadista lagu sameeyay taliyayaasha ciidamada Dowladda KMG ah, wuxuu sheegay in dowladdu tahay mid KMG ah, sidaasi darteedna xubnaha ka tirsan ay tahay in xilka laga qaado loona dhiibo xil kale, wuxuuna sheegay in taasi aanay ahayn mid ka tarjumeysa in qofkaasi uu yahay mid gudan waayay shaqadiisa.

Ra’iisal Wasaare Farmaajo ayaa wareysigiisu ku caddeeyey arrimo la xiriira Diinta wuxuuna yiri: “Diin nama barayaan shisheeyaha dalka ku duulay ee ka yimid dalalka Jejniya oo inta aysan soo gaarin diinta Islaamka Soomaaliya soo gaartay”.

Ugu danbeyntii Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu sheegay in go’aanka xukuumadiisu dhowaan ku xirtay garoomada iyo dekedaha ku yaala meelaha ay joogaan Shabaabka ujeedadiisu tahay inay ka dulqaadaan dadka ku nool meelaha ay ku sugan yihiin, oo uu sheegay inay u diideen gargaarka isla markaana hay’adaha samafalka ka hor istaagay inay dadka gaarsiiyaan Raashiinka iyo daawooyinka samafalka ah.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: