Maxkamad ku taala dalka Maraykanka oo xabsi daa’in ku xukuntay shan ka mid ah burcad badeeda Soomaalida.

Halkaan ka akhri

Maxkamad ku taala dalka Maraykanka ayaa xabsi daa’in ku xukumay shan ka mid ah burcad badeeda Soomaalida, ka dib markii lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxaha burcad badeeda ee weewarka ku soo qaaday Markab dagaal laga leeyahada dalka Mareykanka Maraykanka ka dibna gacanta lagu dhigay.

Sida la wada ogsoon yahay weerarkan ayaa dhacay sanad ka hor, waxaa uu ka dambeeyay markii burcad badeeda Soomaalida markab dagaal ay ku qaldeen markab ganacsi, waxaana gacanta lagu dhigay markii ay weerareen markabkaas dagaalka.

Shanta qof oo ka mid ahayd kooxda Burcadda ayaa waxaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Virginia ee wadanka Maraykanka, waxaana lagu xukumay shantooduba xabsi daa’im.

Hase yeeshee waa markii ugu horaysay mudo ka badan hal qarni oo Maraykanka lagu xukumo qof ┬áka tirsan burcad badeeda xabsi daa’im.

Si kasta ha ahaatee waxaa sidoo kale maxkamad lagu soo taagayaa isla dalka Maraykanka gudahiis 13 ka mid ah burcad badeeda, kuwaasoo Mariiniska Ameerikaanka gacanta ku dhigay markii ay dileen afar muwaadaniin u dhalatay wadankaas

SomaliSwiss Virginia

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: