Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ka warbixiyey kulamo ay la qaateen dowladda KMG Soomaaliya iyo xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Ganacstada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay inay kulamo kala duwan ay la qaateen dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al-Shabab, kaasi oo la xiriira sidii loo furi lahaa wadooyinka soo gala Suuqaasi oo ku xirmay dagaaladii dhawaantan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Gudoomiyaha ganacsata Suuqa Baakaraha Cali Max’uud Siyaad “Cali dheere“ oo qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho la hadlayey ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyay kulamo ay la qaateen dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al-Shabaab kuwasi oo kala hadlay sidii ay Suuqa u soo gali lahaayeen baabuurta badeecadaha kala duwan ka soo qaada dekadda Muqdisho.

“Cali dheere“ ayaa wuxuu tilmaamay in dowladda iyo Shabaab ay ka ogolaadeen in wadooyin loo furo Suuqa Bakaaraha hase ahaatee waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ay diideen in wado loo furo  Suuqa Bakaaraha.

Dhanka kale Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in wadooyin gaar ah ay ka dalbadeen dowladda KMG iyo Xarakada Al-Shabaab kuwasi oo u sahlan inay isticmaalaan gawaarida badeecadaha kala duwan u sida Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee  Afhayeenka Ciidamada AMISOM gaashaanle Bariijiya Bahuuko oo arrinta lagu eedeeyey wax ka waydiisay wuxuu sheegay in arrintaasi ay waxba ka ogeyn goorta loola yimaaday arrintaasi.

Wadada kaliya ee Suuqa bakaaraha looga geli jiray ayaa aheyd Jidka Warshadaha, kadib markii Ramadaankii uu xirmay wadada dabka, dagaalo ay iclaamiyeen Shabaab oo ay daaraha dhinacyada kaga yaal wadadaas ay dageen Ciidamada AMISOM.

Si kasta ha ahaatee dadka Suuqa galaya ayaa qaab cabsi ah ku gala suuqaas, iyagoo lug kaga gala dhanka Sayidka, kuwaasoo sii maraya wado loo bixiyo Farjano oo aad ciriiri u ah iyo Xaafadaha Tokiyo, waana wado aad u cabsi badan oo wax kasta oo dhib ah  laga filan karo .

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: