Garoonka magaalada Muqdisho oo ay Maanta soo caga dhigatay diyaarad siday Soomaali laga soo tarxiilay dalka Sacuudiga.

Halkaan ka akhri

Dad Soomaali ah aad u badan oo isugu jira rag, dhallinyaro, haween iyo caruur, lagana soo tarxiilay dalka Sacuudiga ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana dadkaasi Soomaalida ah ka muuqatay duruufo isugu jira diif iyo daal, ayaa waxaa qaar ka mid dadkaas ay ka warbixiyeen qaabka lagu soo qabtay iyo waxyaabihii ay la kulmeen mudadii ay ku xirnaayeen xabsiga.

Gabar ka mid ah gabdhihii laga soo tarxiilay wadanka Sacuudiga oo magaceedu la yiraahda Amaal C/llaahi Axmed ayaa ka warbixisay qaabka lagu soo qabtay, waxayna sheegtay in iyadoo ku sugan gurigeeda ay albaabka soo jebiyeen ciidamada Dowladda Sacuudiga, kuwaasi oo qabqabtay tiro dad ah oo iyada ay ka mid ahayd.

Sidoo kale wiilal laga soo tarxiilay dalka Sacuudiga ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay kacdoonada hareeyay dalalka Carabta dowladda Sacuudiga ay bilowday inay ugaarsato Soomaalida wadankeeda ku nool, waxa uuna sheegay in waddooyinka waaweyn ee dalka Sacuudiga lagu soo daadiyay ciidamo fara badan.

Hase yeeshee dadka la soo tarxiilay ma aysan sheegin in qabqabashada lagu hayo dadka Soomaalida u dhashay uu yahay mid wada saameeyay dadka ajaanibta ah ee dalka Sacuudiga degan, waxayna tallaabadaasi muujineysaa sida Dowladda Sacuudiga uga shakisan tahay amaba uga cabsaneyso Soomaalida inay qayb ka noqaataan kacdoonka dadweyne ee ka billaaban raba dalkaasi ay ka wadaan qaar ka mid ah shacabka u dhashay wadanka Sucuudiga.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: