Dowladda KMG Soomaaliya oo si tijaaba ah hawada u soo gelisay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Halkaan ka akhri

Waxaa si tijaaba ah hawada u soo galay shalay oo isniinta ahayd saacadda markay ahayd 06:00 PM xilliga magaalada Muqdisho, Telefishinka uu leeyahay Qaranka Soomaaliya, waxaana si toos ah looga daawan karaa Satalite-ka Thaicom Frequency: 3551MHZ Polaris: H SR 1333 Fec 3/4.

Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa hawada ku jiri doona 24-ka saac, waxaana si weyn looga soo dhaweeyay tv-ga Qaranka Soomaliya meelo badan oo maalintii shalay ahayd laga daawaday.

Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiintu ay ku guuleysatay in ay hawada soo geliso Tv ku hadlayaa magaca Qaranka Soomaaliya, 20 sano kadib.

Meelo badan ayaa laga daawaday, balse dadweynaha reer jabuuti ayaa soo dhaweeyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, waxayna sheegeen dadkii daawaday in ay ku faraxsanyihiin horumar kasta oo ay gaaraan dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale dadka daawaday waxay tilmaameen in Telefishinka uu fursad u siin doono in ay dalka Soomaaliya si toos ah ay kala socon doonaa xaalada Soomaaliya iyo helitaanka wararka xaqiiqda ku saleysan.

Sida lagu soo warramay Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed oo haatan hawada ugu jiraa si tijaabo ah ayaa waxaa la filayaa in dhawaan ay Mas’uuliyiinta dowladdu si rasmi ah u furaan, waxaana laga daawankaraa caalamka oo dhan, waxayna arrintani qayb ka tahay Waxqabadka  la xiriira Qorshihii Boqolka maalmood ee Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: